Magacyada Masuuliyiinta Aan Xafiisyadooda Madaxa Gelin Maalmihii U Dambeeyay

0
429

Hargaysa (Dawan):- Waxa Beryahan dambe isa soo taraya in masuuliyiinta Hay’adaha dawladda qaarkood ay qabatimeen inaanay xafiisyadooda ka soo xaadirin saacadaha shaqada, taasina waxay saamayn taban ku yeelanaysaa wax ku oolnimadii adeegyadda ay Hay’adaha dawladdu bulsho-weynta u hayaan.
Haddaba si aanu arrintaasi xog uga helno waxa  Weriyeyaal ka tirsan wargeyska DAWAN, ay labadii maalmood ee Arbacadii iyo Khamiistii toddobaadkii tagay  kormeer ku soo mareen qaar ka mid ah xafiisyadda Ha’yadaha dawladda ee madaxa-banaan, waxaana dabo-galkaas ka soo baxay in qaar ka mid ah masuuliyiintii aanu booqanay qaarkood ay labadaas maalmood-ba maqnaayeen, halka kuwo kalena ay xaadir ku ahaayeen xafiisyadooda.
Kormeerkaasi oo ay fuliyeen dhawr Weriye oo ka tirsan Weriyeyaasha DAWAN, waxaanay labaad maalmood-ba ay Hay’adaha dawladda ku wareegayeen intii u dhaxaysay 7:15 illaa 9:30 subaxnimo.  Xarumaha hay’adaha dawliga ah ee aanu kormeerka ku soo samaynay waxaa ka mid ahaa.
1-    Madbacadda Qaranka Somaliland oo aanu kormeerkayaga ka bilawnay  7:15 subaxnimo labada maalmoodba waxaa joogay Maareeyaha Madbacadda C/laahi Maxamed Jaamac (Carey), waxase maqnaa Maareeye ku xigeenka Jaamac Axmed.
2- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa labadii maalmood-ba xafiiskiisa ku sugnaa subaxnimadii horeba, waxase albaabkiisu qufulnaa xafiiska Maareeye xigeenkii Wakaalada Biyaha Hargeysa Ismaaciil C/laahi Cabdi oo naloo sheegay inuu iska dhiibay dalka Canada ka dib, markii uu socdaal aqoon korodhsi ah ugu baxay halkaasi, iyadoo xilkaasna aan illaa imika la buuxinin.
3- Waxa kale  oo iyagana aanu xafiisyadooda kula kulanay mudadaas Guddoomiyaha hay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maamusa Axmed Muxumed Madar iyo   ku xigeenkiisa.
4- Waxa kale oo aanu  ku maray xafiisyada xisaabiyaha guud ee qaranka Maxamed Cabdi Badde iyo Hanti dhawraha guud Maxamuud Aw-Cabdi, waxaana aanu la kulanay iyada oo ay joogaan madaxda labadaa xafiis, maalintii hore ee 11/02/2015 waxaase maalintii labaad maqnaa hanta dhawraha guud oo aan xafiiska joogin.
5-  Guddoomiyaha hay’ada dhawrista tayadda  agabka Cali Maxamed Cabdille (Biikallo) iyo Ku xigeenkiisa ayaan midina labaas maalmood aan tagin xafiisyadooda.
6- Sidoo  kale  hay’ada NERAD oo labadaa cisho ee aanu kormeerka wadnay-ba kula kulanay Guddoomiyaha hay’adaasi Maxamed Muuse Cawaalle, halka aanaan labada maalmood-ba aanan arrag  maareeye xigeenka hay’adaasi Axmed Cabdi Dacar.
 
7-  Komishanka AIDS  oo aanu iyadna laba maalmood tagnay ayaanu  labadaba u soo shaqo tagin Guddoomiyaha Komishanka Prof. Cabdi Cali Jaamac, iyadoo xaruntaasi ay cidla ahayd, marka laga reebo agaasimaha maamulka lacagta oo maalintii hore joogay.
8- Sidoo kale xafiisyadda cidlada ahaa waxa ka mid ahaa  xafiiska Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka,oo labada maalmood-ba aanay soo shaqo tagin labada masuul ee ugu sareeyaa.
 
9- Masuuliyiinta Barkinta dheeraystay ee aan soo shaqo tagin waxa ka mid ahaa Xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Ducaalle.
La  Soco qeybo kale…………
 

Leave a Reply