Muwaadin Isu Xil-qaamay Dhiraynta Jidadka Hargeysa Oo Baaq u Diray Dawlada Hoose

0
415

Hargeysa (Dawan)- Cabdilaahi Cabdi Yuusuf Nabadoon oo ah muwaadin iskii isugu xilqaamay dhireynta waddada wadnaha ee caasimadda Hargeysa ayaa ka waramay hawsha dhireynta iyo waxyaabihii u qabsoomay, mudadii uu hawshan gacanta ku hayay.
 
Muwaadin Cabdillaai Cabdi Yuusuf, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Wargeyska Dawan, isaga oo ugu horeyn arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “runtii howshan dhireynta muddo ayaan wadey oo aan iskay isaga xilqaaday bal in aan wuxuun qabto iyadoo xirfad ii tahay ii gaara, haddana waxaan ku hamiyay bal in aan ka midho dhaliyo iyadoo markii hore aanay jirin cid ilaalisa ama (watchman) ah oo dhinaca biyahana kolba cid aan ula tago ayaa dhawaan waxaa howshaasi taageero iga siiyay Khadar Maxamed Cali oo ah oo agaasimaha bilicda Dawladda Hoose oo dhawaan intuu ila soo xidhiidhay igula garabgalay imikana waad aragtaano waa ta beertii baxday waan uga mahadnaqayaa cid kasta oo ugu horeeyo Duqa caasimadda.”
 
Muwaadinkani waxaa u baaq diray da’yarta iyo mas’uuliyiinta Dowladda Hoose oo uu ku baraarujiyay inay jiraan siidhadh xilligan abqaalkoodu ku jiro bugcadaasi una baahan in laga ilaaliyo cagta,  xayawaanka iyo dadka waalan, waxaanu yidhi “waxaa jira dhir imika siidhkoodii carradda gudaha ugu jiro oo abqaalan, markaa waxaan da’yarta qaarkood oo sawiro ku gala aan leeyahay ka daaya.”
 
Muwaadin Cabdillaai Cabdi Yuusuf Nabadoon waxa kale oo uu intaa ku daray “waxaan u taaganahay in aan si shakhsi ah howshan isku xilqaamay, isla markaana aan wax weyn ka qabto iyadoo ajar iyo xasanaad badani iigu jiro,  doonayana in aan iyadoo wax igu siin in aan intii igaga beegnayd aan qabto, halkaana aan ka sii wado, anigoo waajibka howshani i xilsaaran tahay haddana waxaan uga fadhiyaa mas’uuliyiinta iyo Dowladda Hoose oo ugu horreeyo Duqa Caasimada inuu igu ilaaliyo tacabkaasi si uu u midho dhalo,  waayo wax caasimada bilicdeedii wax weyn u ahi oo indhuhu qabanayaan, iyadoo marar hore intii aanay bixin beertu hoy u ahayd dadkeena xiska wax ka qaba oo iska dhinac seexan jireen taasi oo aad baan mas’uuliyiinta iyo duqaba ugu mahadnaqaya iyagoo xilkooda gudanaaya.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply