Xisbiga UCID Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Ka Soo Hor-jeedaan In Mar La Wada Qabto Doorashooyinka Golaha Wakiiladda Iyo Madaxtooyada

0
374

Hargeysa (DAWAN)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa gaashaanka ku dhuftay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada.
Xisbiga UCID waxa kale oo Golaha Wakiilada Somaliland ku eedeeyay inuu  muddo kordhin ku fadhiyaan kuraasta, isla markaana ay habboon tahay in la qabto doorashada Golaha Wakiiladda maadaama oo laba  jeer loo kordhiyay, sidaasna waxa bayaamiyay  Xoghayaha Arrimaha  Bulshadda Xisbiga UCID Mr. C/raxmaan  Axmed Cali oo mowqifka xisbigooda ka sheegay dood uu TV-ga HCTV habeen hore u qabtay siyaasiyiin ka socday saddexda xisbi qaran.
“Doorashaddu waa laba ha’yadood oo kala ah xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda, Golaha waxa hore loogu kordhiyay  laba jeer oo loo kordhiyay oo daalac la socdo, halka xukuumadda shan bilood mudadoodii ka hadhsan tahay oo aan waxba hore loogu kordhin, sidaas darteed, waxaanu aaminsan nahay xisbi ahaan in la soo horaysiiyo doorashadda Wakiiladda ee hore muddo kordhinta looga sameeyay ee daallaca ku fadhiya,”ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Arrimaha bulshadda ee xisbiga UCID C/raxmaan  Axmed Cali.
 
Sarkaalkaas u hadlay xisbiga UCID, waxa uu sheegay  inaanay aqbalaynin in mar ha la  wada qabto doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo Madaxtooyadda, waxaanu ku dooday inay aaminsan yihiin in sidii ay u kala horeeyeen labadaas doorasho oo kala qabto.
 
Mawqifka xisbiga UCID ka istaagay in la isa saaro  oo mar la wada qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo madaxtooyadda, waxa uu ka hor imanayaa xisbiga mucaaridka ah ee          WADDANI oo iyagu  olale balaadhan ugu jira in hal mar la wada qabto, waxaana fikradaasi keenay Guddoomiye Cirro oo doonaya inuu Golaha Wakiiladda ku sii fadhiyo muddo kordhin, kana soo horjeeda in xukuumadda muddo kordhin loo sameeyo haddii ay suurto-gal noqon waydo in doorasho dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadkan.
By: Khadar Maxamuud Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply