Qiso: Dulqarnayn Iyo Ciidankiisa

0
365

Dulqarneyn oo ahaa Adoon Saalax ah, ayaa soo Gaadhay Dhul Webi ah oo meel Magaalo ah ku yaal, Ciidankiisa ayaa weydiiyay su’aasha  “Dhulkani waa maxay?, Dulqarneyn Hadalkii ma badin,  wuxuuna  ku yidhi “ Qofka wax ka qaata Magaaladan wuu ka murugoon, kii aan waxba ka qaadanna wuu ka murugoon.  Intaasi ka dib Koox Ciidanka ka mid ahi waxay yidhaahdeen  mar  hadday isku mid tahay waxba ka qaadan mayno, Koox kale oo Ciidanka ka mid ahna midba wax buu ka Qaatay Dhulkii.
Markii ay dhulkii ka soo fogaadeen, kana yimaadeen oo ay tegeen Magaalo kale ayay Ciidankii wax soo Qaatay Arkeen inay sitaan dahab, ka dib waxay ka Murugoodeen Sababta ay wax badan u soo Qaadan waayeen. Kooxdii kalena iyana waxay ka mururgooden sababta ay wax usoo qaadan waayeen.
Xikmada Qisadaan ku jirto waxey tahay: Halkan waa Adduun waxaad hadda ka Shaqaysato ee Camal ah ayaad Aakhiro leedahay, hadaad Camal Wanaagsan ka Shaqaysato Hadhow markaad Jannada Aragto waxaad is odhanaysaa maxaad Camalka u soo badsan wayday?, si aad u gaadho Darajo Sare. Hadaad iskaga Tagtona waad murugoon adigoo tamaniyaya in lagu soo celiyo sida Allah (sw) Quraanka ku sheegay.
 

Leave a Reply