Denmark: Booliiska oo Toogtay Nin Weerar Qaaday

0
354

Boliiska Denmark ee magaalada Copenhagen, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin ninka ay dileen inuu yahay qofkii ka danbeeyay laba weerar magaalada. Weerar ka dhacay kulan looga hadlayay xoriyada hadalka, iyo mid ka dhacay macbadka yuhuuda ee  synagogue hortiisa.
Weerarkii ugu horeeyay galabnimadii Sabtida, nin ayaa lagu toogtay maqaayad lagu qabtay kulanka xornimada hadalka.
Dadka ka soo qaybgalay kulanka waxaa ka mid ah nin Swedish ah oo sawir gacmeed ku sawiray Nabi Maxamed(scw).
Subaxnimadii Axada, nin Yuhuud ah ayaa la dilay, laba boliisna waxaa lagu dhaawacay synagogue agtiisa.

Leave a Reply