Reer Gabiley Oo Tusmeeyay Tallaabooyin Siilaanyo Kaga Tilmaaman Yahay Madaxweyneyaashii Ka Horeeyay

0
361

Hargeysa (DAWAN)-Shacbiga ku dhaqan gobolka Gabiley ayaa shalay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) u xaqiijiyay siday ugu qanacsan yihiin Hoggaamintiisa, waxaanay u balan-qaadeen inay mar-kalena diyaar ula yihiin inay u hibeeyaan inuu baaqi ku sii ahaado Hoggaaminta dalka shan sannadood oo kale.
Sidaasna waxay reer Gabiley ku muujiyeen soo dhawayn qowl iyo ficil-ba iskugu jirtay oo ay iskugu dareen madaxweynaha Somaliland oo ka qeyb-galay xaflad shahaadooyin lagu guddoon siinayay 64 arday oo ka aflaxay jaamacadda  Timacadde ee magaaladda Gabiley.
Kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga dhaqan degmooyinka Arabsiyo iyo Gabiley ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo si niyadsami ah ugu soo dhaweeyay gobolka, waxaanay ku dhawaaqayeen hal-ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Hoggaamiyihii Horumarka Dalkoow” “Hoggaamiyihii Halgankoow”, “Ku soo dhawoow Gabolkaagii” iyo hal ku dhigyo  kale oo nuxur ahaan kuwaas la macno ahaa.
Reer Gabiley waxay madaxweynaha iyo Xubnihii Golaha Wasiirrada ee socdaalkiisa ku weheliyay-ba ay u galbiyeen madashii lagu qabanayay qalin-jabinta ardaydii ka baxday jaamacadda Gabiley oo ahayd hool weyn oo cusub oo xukuumaddu u binaysay jaamacadda oo isna uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray, waxaana xafladaasi horeba u sii camiray odayaasha, Cuqaasha iyo Salaadiinta Gobolka Gabiley,  iyo ardaydii qalin-jabinaysay iyo  Marti sharaf aad u badan oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyeyaasha jaamacadaha Cammuud iyo Hargeysa.
Waxa madaxweynaha Somaliland farxad gelinaysay sida ay bulshadda Gobolka Gabiley oo ka mid dadkii horseedka ka ahaa doorashadii 2010-kii ee uu kursiga ku fuulay oo aad uga mano-sheegtay wax-qabadka xukuumadda oo ay ku sifeeyeen tii horumarka iyo wax-qabadka ku astaysnayd.
Waxa xafladaasi ka hadlay nin weyn oo ka mid ah culimada magaaladda Gabiley oo ahaa ardaygii ugu weynaa  ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadda Tima-cadde ee Magaallada Gabiley,kaasi oo ka aflaxay kulliyada daraasaadka islaamiga ah, ayaa soo bandhigay dhawr qoddob oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga fadilan yahay saddexdii madaxweyne ee ka horeeyay, waxaanu yidhi “Waxaan Madaxweynaha Somaliland uga mahad-celinayaa dhawr qoddob oo uu diinta ugu hiiliyay oo hirglay intii xukuumadiisu jirtay. Waxa ka mid ahaa waa madaxweynihii ugu horeeyay  qawlka EEBE iyo Quraanka kariimka kor u qaada ee abaal-marin qaali ah oo gaadhi gaadh siisay jaa’isad u bixiya sanad walba. Waa tallaabo weyn oo madaxweyne if iyo aakhiraba ajar kuu ah. waxa kale oo aan kugu ammaanayaa inaad furtay idaacada quraanka kariimka ee gobolada dalka qaarkood laga hirgeliyay, waxaad xasuusanaysaa marka aad  dhegaysato Idaacadaasi Xaramaynkii.”
 
 
Waxa xafladaasi ka hadlay xubno ka mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley, kuwaasi oo madaxweynaha uga mahad-celiyay waxqabadkii xukuumadiisu ka hirgalisay dalka mudada shanta sanno ku dhow ee ay xilka haysay isla markaana u iishaaray inuu kalka labaadna si fudud u hantiyi doono taageerada shacbigooda, waxase ay miiska u saareen codsi ay kaga dalbanayaan inuu Baarlamaanka u gudbiyo Gobolnimada Gabiley si loo ansixiyo.
Suldaan Ismaacii Suldaan Cabdiraxmaan, oo ka hadlay xafladaasi waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka bulshada reer Gabilay waxaan halkan ka caddaynayaa in aanay shacbiga reer Gabilay ee aan  afkooda ku hadlayaa aanay la qabin cabasho uu sheegay Suldaan ka hadlay Boorame oo in badan warbaahinta ku cel-celiyay in shacbiga Gabiley iyo shacbiga Boorame ay tabasho ka qabaan  xukuumadda maanta jirta, aniga oo ku hadlaya afka reer Gabilay waxaan halkan ka cadaynayaa in aanaan la qabin tabashada uu sheegay, reer Gabilayna ay qanacsan yihiin saamiga xukuumadda, madaxwenaha maantana ay qabaan in uu yahay madaxwaynihii horumarka, halganka iyo dib u dhiska Somaliland. Waxaan leeyahay tabashada ka jirta Gobolka Awdal, kama Jirto Gobolka Gabiley.”
Sidoo kale Caaqil Maxamed  Cabdi Qowdhan ayaa sii takiidiyay hadalkii Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan, waxaanu Madaxweynaha uga mahad-naqay  wax-qabad badan oo la taaban karo oo gobolka ka qabsoomay mudadii dawladda KULMIYE ka dhalatay ay  Somaliland ka tallinaysay.
“Madaxweyne, waxaanu hortaada ka caddaynaynaa inaanu ku garab taagan, oo ku dhinac taagan nahay oo ku dabo-taagan nahay. Waxaanu yaqiinsan nahay in wax badan oo qiimo badan oo ay tahay in dib laguugu soo doorto aad qabatay, gaar ahaan aan ka qabatay gobolkan Gabiley iyo dalka guud ahaan-ba,”ayuu yidhi Caaqil Maxamed Cabdi, waxaanu intaasi dabo-dhigay “Waxaanu Madaxweyne, kaa codsanaynaa Gobolka Gabiley  oo ka mid ah gobolladii cusbaa ee uu bixiyay madaxweynihii kaa horeeyay inaad ansixiso. Waxaannu madaxweyne kaa dalbanaynaa godob ha galline in gobolladii cusbaa inta la derajo noqon karta inta aad eegtid aad u gudbisid Baarlamaanka si aad ay u ansixiyaan sharci ahaan.”
 
“Madaxweyne, Ilmaha Uurka Ku Jiraa Wuu Dhaq-dhaqaaqaa marka laga hadlayo Gobolka Gabiley,”ayuu hadalkiisii oo sacab aad u weyni u dhacay ku soo khatimay caaqilku.
Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan  Axmed Guulleed, oo ku hadlayay magaca jaamacadaha dalka, ayaa   Bogaadiyay ardayda loo xafladeynayay, waxaanu ku booriyay inay xadhiga ALLE ka cabsiga qabsadaan, una diyaar garoobaan imtixaanka weyn ee daarta aakhiro.
Prof. Saleebaan, waxa uu sheegay in aanay waxbarashadu dhammaad lahayn oo uu isagu imika yahay ardayd diinta barta,waxaanu yidhi “Waad I arkaysaan Cirradayda, aqoontii maadamiga ahayd meel uun baan ka gaadhay, laakiin waxaan idiin sheegayaa waxbarashadu ma laha dhammaad waxaan imika dhigtaa diinta oo arday Fiqiga barta  oo bilow ah ayaan ahay. Markaa wada waxbarashada, imtixiaanka weyn ee aakhirana aynu u diyaar garowno.”
 
“Waxaan ka qeyb galay shirkii aan ka qeyb gallo kii ugu qiimo badnaa oo maalin dhawayd lagu qabtay Boorame, waxa loogu magac-daray (NABAD Iyo HORUMAR), waxa ka qeyb-galay waxgaradkii, mutacalimiintii, culimadii waaweynayd oo dhan. Waxa soo qaban qaabiyay dhalinyarro oo leh nabadda ayaa horumar lagu gaadhayaa. Waxaan qabaa inay tahay wax lagu farxo dhalinyaradii oo sidaas u fikiraysa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud, waxase uu la kaftamay madax-dhaqameedka Gobalka Gabiley waxaanu yidhi “Aan la kaftamo madax-dhaqameedka (reer Gabiley) haddii ragga cimaamadihiinan (Salaadiinta) oo kale sita ee reer Awdal xaq ayay u leeyihiin inay tabashadooda gaadh siiyaan madaxweynahooda oo ay u cowdaan.”
 
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland, waxa uu intii ku sugnaa gobolka Gabiley uu  xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga fuliyay, halka uu qaar kalena dhagax-dhigay.
Mashaariicda uu dhagaxa dhigay waxa ka mid ahaa jid Laami ah oo dhex mari doonta badhtamaha Gabiley oo ay fulin doonto Dawladda Hoose ee magaaladaasi. Waxa kale oo uu xadhiga ka jaray xarun cisbitaalka dhimirka ee Magaaladda Gabiley oo dhismihiisa ay iska kaashadeen wasaaradda caafimaadka iyo ururka mutadawaciinta ee SAMO-KAAB.
Sidoo kale waxa madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay cisbitaalka TB-da  oo ay hirgelintooda iska kaashadeen xukuumadda Somaliland iyo Hay’adaha caalamiga ah ee kala shaqeeya horumarinta caafimaadka. Waxa masuuliyiintii kala duwanaa ee xarumahaasi ka hadlay ay u mahad celiyeen wasaaradda maaliyadda oo ay sheegeen inay wax badan kala qabatay mashaariicdaasi. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa sidoo kale xaflad qado-sharaf ah loogu sameeyay degmadda Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com
 

Leave a Reply