Maamulka Maroodijeex Oo Ka Hadlay Hawl-galka Lagu Dabar Jarayo Dhalinyarrada Qas-wadeyaasha ah

0
359

Hargaysa (Dawan):  Xoghayaha Gobolka Maroodi Jeex Xamse Ciise Cabdi,  ayaa sheegay in loo  gudbiyay  xabsiga ku yaala gobolka Sanaag  dhallinyaradii rabshadaha ka samayn jiray magaalada Hargeysa, kuwaasi oo ay dhawaan qab-qabteen boolisku, isla markaana  la xukumay.
 
Waxaanu  tilmaamay  xoghayaha gobolka Maroodijeex,  in ciidamada boolisku  ay weli ku hawlan yihiin   hawlgalkii ay ku soo qabqabanayeen dhallinyarada rabshad wadeyaasha ah.
 
Xamse Ciise Cabdi ayaa waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay wargeyska Dawan, waxa kale oo uu sheegay   in ka dib markii la xidhay  badi qaar ka mid ahaa dhalinyaradda kooxaysiga ka samayn jiray  in hada ay bulshadu nafis iyo amaan dareemeen, isagoo arrintaasina uga mahad celiyay saraakiisha booliska oo si weyn uga hawl-galay.
 
Xamse Ciise oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidh “Hawlgalkii ciidamada boolisku ku soo qabqabanayeen dhallinyarada rabshad wadeyaasha ah ka  gobol ahaan  waanu la hawlgalnay, waxaana hawlgalkaas ka soo baxay natiijo aad u wanaagsan.
Dhallinyaradii  rabshad wadeyaasha ee magaalada Hargeysa looga caagay badankoodii waa la qabtay oo shalay (doraad) oo ugu danbaysay kuwii la xukumay waxa la geeyay  magaalada Garadag oo ka tirsan gobolka Sanaag, arrintaas oo aan aad uga mahadnaqayno ka gobol ahaan taliyaha ciidamada booliska iyo hogaamadooda oo magaalada Hargeysa hawl fiican ka qabtay.
Hawlgalkaasi  halkaas kumuu istaagin wuu socdaa, waxaana lagu rajo wayn yahay toddobaadkan gudihiisa intii u danbaysay in  la soo qabqaban doono dhallinyaradaas”.
 
Xamse Ciise,  waxa kale oo uu sheegay in dadweynaha reer Hargeysa dareemeen isbadal dhinaca amaanka ah, intii ka danbaysay hawlgalkii lagu soo qabqabtay dhallinyarada rabshad wadeyaasha ah. waxaana uu yidhi “Dadweynaha reer Hargeysa runtii waxay dareemayeen in habeenkii si nabadgelya ah ay ku maraan dariiqyada oo cid moobil qaada iyo cid tuug ah intaa hawlgalkaasu socday waa laga raystay.
 
 
Xoghayaha Gobolka Maroodi jeex  ayaa  tilmaamay in bishan gudaheeda kormeer ku soo mari doonaan degmooyinka hoos yimaada gobolka Maroodi Jeex kaas oo ay ugu kuurgalayaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka deegaanadaas ku dhaqani.
 
“Waxa noo qorshaysan in 25 bishan kormeer ugu baxno degmooyinka gobolka Maroodi Jeex, kaas oo aan ugu kuurgalayno xaalada  ay ku sugan yihiin dadka deegaanadaasi” ayuu yidhi xoghayaha Maroodijeex.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply