“Siyaasad la’aanta Ayaan Uga Baxay Xisbiga WADDANI”

0
323

Hargeysa (Dawan) – Yuusuf Barre Cismaan oo ah masuul hore uga tirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu gebi ahaanba ka baxay xisbigaas oo uu hore uga tirsanaa, waxaanu tilmaamay in sababaha uu uga baxay ay ka mid tahay qorshe iyo barnaamij siyaasadeed oo aanu la iman. 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Shirkan jaraa’id ee aan maanta (shalay)  qabtay dulucdiisu waxay tahay inaan ku caddeeyo mawqifyo ku soo kordhay xaaladayada siyaasaddeed, waxaan sanad ka hor ku biiray xisbiga Waddani oo sida ay saxaafadduba goob-joog ka ahayd munaasibadii Burco ka dhacday iyo tii kale ee ka dhacday deegaanka Shanshacade.  Qofku cidda uu hormoodka u yahay ee siyaasadda uu ku matalayaa waa shacabkiisa , tabasho iyo digarogasho ka dib shacabku waxay go’aanasadeen inay ku noqdaan xisbiga Kulmiye, maantana waxaan caddeynayaa inaan ka baxay xisbiga Waddani oo hadday tahay xubinimo iyo hadday tahay mawqif siyaasaddeedba labadaba, taas oo ay keliftay shacabkaa jeestay ee dib u noqday iyo xisbiga Waddani laftiisa oo aan ahayn xisbi u bisil siyaasadda ama sida uu ku shaqaynayaa aanay ahayn sidii xisbi u shaqayn jiray, waayo markaad xisbi mucaarid ah tahay oo aad doonayso in aad hogaanka dalka qabato lagama maarmaan waxa ah in qorshe u dejisan yahay, wax qorshe ah iyo balan-qaad horumarineed ma jirto intii aanu la shaqaynaynay iyo barnaamij siyaasaddeed oo aanu dadka ugu baaqno midnaba kamaanu arag, taasnaa nagu kaliftay in aanu dib u noqono oo shacabkii aanu horsoconayna dib u noqdo.”
Masuulkaasi waxa intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.“Waxaan si buuxda dib ugu soo guryo noqday degelkaan hore uga guuray ee Kulmiye markaan hubiyay cid ku dhaanta in mawqif siyaasaddeed lagu raaco aanay jirin, waxa kale oo jiray musharaxa golaha  wakiilada ah oo aan ku dhawaaqay oo hirdan saxaafaddeed oo badani nagu dhexmaray xildhibaan  Cali Xasan Maxamed (Cali-marexaan), taana waxaan cadaynayaa in aan musharaxnimadayadii iyo mawqifkii  aan ku barbar tagnaan doono xildhibaanka oo aan gebi ahaanba uga tanaasulay, maanta laga bilaabana isaga cid kula tartamaysa musharaxanimada oo labadayada ka dambaysa oo musharax ahina aanay jirin , isagaanan uga tanaasulay marka doorashada la gaadho markaan wax badan qiimeeyay.”
Dawanews Hargeysa office

Leave a Reply