Muuse Biixi Oo Turkiga Ku Eedeeyay Inaanu Dhex-dhexaad U ahayn Somaliland Iyo Soomaaliya

0
360

Hargeysa, (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dalka turkigu aanu dhexdhexaad ka ahayn mashaariicda horumarineed ee uu ugu talo-galay Somaliland iyo  Soomaaliya, waxaanu tilmaamay inuu si toos ah ula safan yahay Soomaaliya. 
Muuse Biixi oo shalay u waramay warbaahinta qaranka, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland aanay geyin eedo ay Puntland ku sheegtay in Somaliland ay taageerto Al-Shabaab.
Ugu horeyn guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Turkigu waxa uu la safan yahay dalka Soomaaliya, Somaliland waxba uma ogola siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba , mashaariicda uu ka fuliyay Soomaaliya mashruuc keliya kamuu dhisin  ama wax fara guudkood ah oo aan macno lahayn oo aan la sheegi karin oo  cad quudheed ah  ayuu soo tuuraa, siyaasiyana ma muuqato nin dhexdhexaad ka ah waa arrin u baahan in Turkiga lagala dooddo oo la yidhaahdo waayo oo la yidhaahdo ama dhexbaad ahaanaysaa ama arrimahayaga ma farogelinaysid  ileen danbaa inaga dhaxaysa nin walba, ninka aan i rarayn aniguna u rarimaayo, markaa waxa muuqata in Turkigu aanu dhex u ahayn Somaliland iyo Soomaaliya ee uu dhinac yahay waa cadaan, waxaynu ka yeelayno iyo sidaynu u dooddayno inagay inoo taalaa.”
Dhinaca kale guddoomiye Muuse Biixi waxa uu jawaab ka bixiyay eedo ay maamulka Puntland u jeediyeen dawladda Somaliland, waxaanu yidhi,  “Puntland way qaldan tahay, waxay ku qaldan tahay dhibaatada ku dhacday inay Somaliland been uga samayso  maaha, Somaliland way ka caawisaa arrintaa iyada ah oo wixii labadeenaba iyo mandaqada dhibaato u keenaya inaynu iska kaashanaaba taala oo haddii nin qori dab leh wataa uu gurigayga ka soo baxo oo kaaga ku soo cararo waa inaan ku idhaahdo waaryaahe anigaa isa soo dhaafiyaye iska eeg, markaa anigu waan dedaalay waanan feejiganahay oo dagaal baan kula jiraa argagixisada waanan iska ilaaliyaa oo intay gurigayga ka duulaan inay cid kale ku duulaan waan ka ilaalinayaa  oo xoog iyo xoolaba waan ag-taaganahay, waayo noloshu waa nabadgelyo, nabadgelyadana haddaan anigu ilaashado oo jaarku gubanayo tayduna dhismi mayso. Markaa hadalkaasi waa mid ay dhawr jeer soo celiyeen hadal meesha qabtana maaha.”
 
 
Muuse Bixii sidoo kale waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin doorashada, isla markaana aanay dalban muddo kordhin, “Xisbiga KULMIYE waa xisbiga keliya ee doorashada u diyaar ah sababtana waxa weeye, xisbigani waa ka keliya ee fuliyay wixii shuruuc looga baahnaa, golihiisii dhexe wuu qabsaday oo sanad walba wakhtigiisuu ku qabtaa, oo shirweynihiisiibuu qabsaday imikana doorashada ayuu diyaar u yahay oo golihiisii dhexe ayaa u dhisan, xisbiyada kale xisbiga shir qabsaday waa kee?  ee shirweyne qabsaday ee wax muujiyay. doorashada waxaanu diyaar u nahay marka ay ku dhawaaqaan komishanka oo ku shaqo leh waxaad arki doontaa xisbiga diyaar u ah iyo ka aan u ahayn maalintay ku dhawaaqaan komishanku, markaa anagu koradhsiimo diyaar uma nihin, waxa weeyaan diyaar baanu u nahay xisbi ahaan doorasho hawsheediina waanu gelaynaa oo waxaanu sugaynaa marka ay ku dhawaaqaan komishanku, xisbi ahaana koradhsiimo anagu maanaan codsan, sabab aanu u codsanaana ma taalo waxayaguna waa noo diyaar oo waxaanu sugaynaa komishanku marka uu doorashada ku dhawaaqo,  xisbiyada mucaaridku qayladan badan ee ay yeedhinayaan ee ay leeyihiin xisbibaa wax doonaya waxaanu leenanay gegidu waa diyaar, waxaanu sugaynaa siidhiga Komishanka.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply