“Shan Shirkadood baa soo Dalbay Inay Dekeda Berbera maal-geliyaan, ma jirto Wax Lala Wareegayo” Wasiir Xirsi

0
393

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan, ayaa sheegay in aanu jirin qorshe dekeda Berbera loogu wareejinayo  shirkado ajaanib ah, waxaanu tilmaamay inay jiraan shirkado laga leeyahay waddamada Imaaraadka iyo Kuwait oo danaynaya inay maalgashadaan.
Wasiirka madaxtooyadu waxa kale oo uu sheegay in dekeda Berbera ay tahay mid qaranka oo dhan ka dhaxaysa, isla-markaana aan si fudud loo wareejin karin.
Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayay, waxa uu yidhi,  “Shan Shirkadoodbaa soo dalbay inay dekeda Berbera maalgeliyaan, ma jirto deked lala wareegayo ee dekeda qarankaa iska leh, laakiin qolo weliba waxay danaynaysaa inay xidhiidh ganacsi nala yeelato oo na maalgeliso, waxaananu anagu ku kala dooranaynaa oo eegaynaa maxay dhaqaale gelinayaan?, maxay macmiilka ku soo jeedinayaan?, tayada ay ku dhisayaan waa maxay. Anagu waxaanu doonaynaa inay dekeda Berberi noqoto deked kuwa adduunka oo kale  ah oo dekedaha jaarka iyo caalamka la tartami karta, sidaa darteed waxaanu eegaynaa ciddii ay waafaqda qarankan dantiisa ee la wax la qaban karta. Waxa jirta guddi madaxweynuhu u saaray oo wasiiro ah oo aan ku jiro, oo Wasiirka khaarajigu ku jiro oo wasiirka qorsheyntu ku jiro, oo eegaya,darsayana shirkaddaha noocaas ah, waxaana laga yaabaa in markay shirkaddaha warkoodu soo ururo in qandaraas lagu bixiyo oo la baahiyo, laakiinse imika waa in la darso oo qolo waliba maxay doonaysaa, maalgashi intee leeg bay gelinaysaa la eego.”
Wasiirku waxa uu sheegay in shirkadaha danaynaya inay maalgashi ku sameeyaan dekeda Berbera la tartansiin doono, “Waxay ila tahay Berbera wax go’ lagu qaado ka wayne, Bebera wax ciyaar-ciyaar lagu wareejiyo ka weyn oo waa marsadii qaranku lahaa, markaa waa laga yaabaa in dad aan waxba hubsan oo mucaarad iyo muxaafad midkuu doono ha ahaadee oo aan wax na waydiinin oo aan xog helin inay meelahaas ka hadlaan, laakiin DP World waa shirkad caan ah oo Dubai leedahay rabitaankooda ayay muujiyeen  oo waxay leedahay waanu doonaynaa,  Bolore  waa shirkad caan ah oo Faransiisa ah ilaa sodon meelood oo Afrika ah ka shaqeeya , iyaguna rabitaankooday ayay muujiyeen, shirkado kale oo Afrikan ah oo Sucuudiga joogta iyagana danayntooda ayay muujiyeen oo way doonayaan, Shirkad kale oo Kuwait leedahayna waxay muujisay doonisteeda dekedda Berbera.  Anaguna waxaas oo dhan waanu tartansiinaynaa waxaanu eegaynaa wixii danta qaranka loo arko in la eego, oo dadka la taliyeyaal ah loo diro oo Baanka adduunka ayaanu weydiisanay la taliyeyaal, waxaanay noo soo gudbiyeen la taliyeyaashoodii wax iska hawl yar oo ciyaar cidi kula wareegto maahee waa wax u baahan sharciyan iyo cida aynu heshiis la galayno in sharciga la iska eego ee, waa wax u baahan farsamo ahaan oo dad aqoonteeda leh aanu wax la geli karno  aynu helno oo Injineero weynu leenahay, laakiin shirkado waaweyn oo inaga eega oo inaga tijaabiya oo tallo inga siiya  waa in aynu helno , waxaas oo dhanbaa la darsayaa, haddii dekeda ciyaar lagu wareejinayana shan sannadood baa baayacaadbaa  la inoogu imanayay.” Ayuu yidhi wasiirka oo shalay u warramayay idaacadda BBC.
Wasiir Xiris waxa uu sidoo kale beeniyay inay jiraan wasiiro xukuumadda ka tirsan oo si gaar ah heshiisyo ula galay shirkado, waxaanu yidhi  “Shirkado uma shaqayno ee qarankaanu u shaqaynaa,wasiiraduna waxaan ku ogahay inay dhamaantood ay yihiin wasiiro u daacad ah qarankan, dhamaantayana shirkado u shaqayn mayno ee waxaanu u shaqaynaynaa qarankan isku aragtina waanu nahay, mana jirto shirkad heshiis lala galay oo mid gaar wax loola doonayaana ma jirto, mid loo dusayna ma jirto , laakiin wax la kala wato iyo wax la kala boobayo waa Iimaan la’aan dadkeena qaar uun lagu salidaye ma jirto. Wasiiraduna waa isku mid qarankana dantiisu uunbaa la eegayaa, cid heshiis lala galayna ma jirto iyo cid ciyaar wax lagula gelayaana ma jirto iyada oo aan la eegin dantii qarankani uu lahaa.” 
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply