Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Maamulka Puntland

0
428

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay eedayn uu Somaliland u soo jeediyay Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland, oo ku eedaynayay  Somaliland  in ay Al shabaab gacan siiso.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cadde,   oo shalay u waramay BBC ayaa hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Puntland ku tilmaamay mid aan suurtogal ahayn, isla markaana aan runta ku salaysnayn. Isagoo ku tilmaamay masuulka Puntland ee hadlay in uu yahay nin aan u bislayn siyaasadda.
 
Waran Cadde, ayaa ku sifeeyay wasiirka Puntland  in hadaladda noocaasi ah uu wax kaga doonayo caalamka, Isagoo masuulka reer Puntland ee hadlay ku tilmaamay in nin shaqadiisii ka soo bixi waayay  oo Somaliland kula soo gal-galanaya wax aan jirin.
 
Waxaanu sheegay in wasiirka reer Puntland uu dhawr jeer ku celceliyay arrintaasi, isla markaana aanay hada u dul-qaadan doonin.  Cali Waran Cade oo ka jawaabayay   eedayntaasi   waxa uu yidhi “Arrintaasi aad iyo aad ayaanu uga xunahay ninkaasi wasiirka ah ee sheegay hadalkaasi, oo u muuqda inuu yahay nin aan u bislayn siyaasadda iyo xilka uu hayo.
dhawr   jeer ayaanu ka hadlay isagoo Somaliland ku eedaynaya inay Al shabaab xidhiidh la leedahay, taasina waxaanu u aragnaa inuu yahay nin shaqadiisii ka soo bixi kari waayay, waxaanu u aragnaa dhibaatadda dalkiisa taalla iyo dhiiga maalin walba Puntland ka daadanaya nin doonaya markii uu hawshiisii gudan kari waayay inuu kula galgasho umad kale. Arrintaasi waa mid aanaan u dulqaadan doonin, ninkaasina wuxuu naga istaahilaa in aanu wax ka qabano arrintiisa, waxa uu yidhina waa  wax aanaan jeclayn”.
 
 
Wasiir  Waran Cadde oo la waydiiyay waxa ay ku cadaynayaan  in aanay waxba ka jirin eedaha ay Puntland u soo jeediso oo soo noqnoqday, waxa uu ku jawaabay “Anagu dal la yaqaan ayaanu nahay, waana la ogyahay dalkayaga laakiin waxaan filayaa malaha ninkasi odayga ahi hadaladani ajnabiga ayuu wax kaga doonayaa, ajnabiguna dalkayaga way joogaan, dalkayagana waa la ogyahay inuu yahay dal nabad ah oo aan fool xumo kale shaqo ku lahayn, markaa waxaanu u aragnaa ninkaasi nin shaqadiisii ka soo bixi waayay.
Maalin dhawayd waxaan maqlayay qoladda booliska Puntland oo hadlayay, waxay sheegeen in dadkaasi ay is-hayaan ama weeraradaasi inay kaga yimaadaan wadanka gudihiisa, in dad dawladda ku jiraa ay ka danbeeyaan, inay wax dhexdooda ah tahay”.
Wasiirka Amniga Puntland waxa  uu ku eedeeyay   Somaliland in ay tabbaro iyo gaadiidba siiso Al shabaabka  ka dagaalama buuraha Galgala ee Puntland. Hase yeeshee  Cali Waran Cadde, ayaa kaga jawaabay eedahaasi  in ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.
 
“Hadalkaasi, waa hadal dhangagaale, ma aha hadal nin weyn oo  mas’uul ahi yidhaahdo. Somalilandna waa dal la yaqaano, wax xidhiidh ah oo anaga Al shabaab naga dhexeeyaana ma jiro, iyga (Puntland) ayaa xidhiidhkuna ka dhexeeyaa Al shabaab, isaga (Wasiirka) ayaanan u malaynayaa inuu ka mid yahay, waayo sida ay tahay ayuu u abaari lahaa, imika waxaad moodaa in uu aduunyadda ku dawarsanayo  ama dawladaha reer Yurub oo uu doonayo in wax lagu siiyo”.
 
 
Wasiirka Arrimaha Guduhu, waxa kale oo uu sheegay in ay Somaliand si buuxda uga taliso xuduuda ay la wadaagto Puntland, isla markaana aanay jirin sabab ay Puntland qiil uga dhigato in Al shabaab ay xarumo ku leeyihiin meelo aanay labadda dhinac ka talinin oo ku yaala soohdinta.
 
“Anagu haddii aanu nahay Somaliland xagayaga waanu ka talinaa, haddii aanay Puntland iyagu xagooda ka talinin, waanu ka talinaa, waanu ka warhaynaa ciidamadayada ayaana meel walba jooga, wax arrintaasi ka jiraana ma jiraan, laakiin waa arrin colaad, iyo xasad iyo wax aanaan garan karin  dabadda ku haysa, mida labaad maamul goboleedka Puntland ee aanu jaarka nahay maas’uuliyiintoodu waxay ku socdaalayaan jidka ay ku socdaalaan diyaaradaha ay isticmaalaan waxay soo maraan garoonka diyaaradaha Hargeysa”.
 
Dhinaca kale wasiir Waran Cadde,  waxa uu daboolka ka qaaday in aanay Somaliland ogolaan doonin in wasiirka Amniga ee Puntland  marka uu safrayo aanay diyaaraduhu la soo mari Karin madaaradda Somaliland, haddii ay arrintaasi dhacdana in ay xidhayaan. Waxaanu yidhi   “Waxaan  doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in ninkaasi uu xagayaga ka yahay (wanted), haddii uu yimaado ama uu  soo maro madaarada Somaliland wuu xidhan yahay, waana la xidhayaa, diyaaradahana waxaan uga digayaa kaasi oo kale, inay hawadayadda iyo dalkayaga midnaba soo mariyaan”.
 
 
Waxa kale oo uu tilmaamay Waran Cadde in Somaliland iyo maamulka Puntland ay iska kaashadaan la dagaalanka Al shabaab, hase yeeshee aanay ilaa hada fahmin ujeedadda uu mas’uulkaasi uga dan leeyahay hadalada noocan ah.
 
 
Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aniga ma garanayo, ilaa hadda waan la yaabnahay ninkani, laakiin maamulka intiisa kale waanu wada shaqaynayaa, oo waanu iska kaashanaa oo waanu is ognahay laakiin waxaanu doonayaa maamulka Puntland in aanu waydiino ninkani cida dabadda ka wadda iyo cida uu la socdo iyo cida uu la shaqaynayo, runtii Puntlandtani iskumaanaan ogayn, waanu wada shaqaynaa, waananu wada fadhiisanaa, xidhiidh wanaagsanina wuu naga dhexeeyaa maamulka Puntland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply