Shanta Nin Ee Aduunka Ugu Taajirsan Guraha Ay Ku Jiraan Qiimahooda Iyo Goobaha Ay Ku Yaalaan

0
442

Badweynta dhaqaalaha ayaa ah mid midaad aragtaaba ay ta kale ka yaab badan tahay, waxaynu qoraaladeenan Xulashada Dhaqaalaha kusoo qaadanaa mawduucba mawduucuu ka soo jiidasho badan yahay kuwaas oo lagu daabaco mareegaha ka hadla arrimaha dhaqaalaha.
Waxaynu kusoo qaadanaynaa qormadan mid ka duwan qormooyinkeenii hore taas oo ah inaynu soo qaadano shanta taajir ee aduunka guryaha ugu qaalisan ee ay ku jiraan, waxaanay kala yihiin:
1.Gurigan oo uu ku jiro leeyahayna ninka kaalinta labaad dadka ugu hantida badan ama ugu taajirsan ku jira ee Bill Gates  kaas oo hantidiisa lagu sheegay inay tahay $77.5 Billion. Gurigan uu leeyahay ayaa waxa uu leeyahay nidaam music lagu rakibay isagoo leh library iyo meel lagu ciyaaro jimicsiga waxaana cabirka uu gurigani ku fadhiyo lagu qiyaasay inay tahay  2,500 Feet oo laba jibaaran, waxaanu ku yaalaa magaalada Seattle Washington.

  1. Gurigan kaalinta labaad ku jira ayaa waxa ku jira Ken Griffin isagoo hantidiisa lagu qiyaasay inaya tahay $5.2 Billion, Gurigan ayaa waxa uu ku iibsaday qiime dhan $130 Million, waxa uu girigani ku yaalaa magaalada Plam Beach.
  2. Larry Ellison ayaa waxa uu yahay ninka aynu soo qaadanayno isago ka mid ah dadka ugu taajirsan aduunka guriga uu ku jiro oo qiimihiisa ay ku kacday $200 Million, isagoo hantidiisa lagu qiyaasay inay tahay $51.4 Billion, ninkan oo gurigiisu waxa uu leeyahay ilaa 10 dhisme oo ka mid ah gurigan kuwaas oo ku agyaal gurigan.
  3. Lakshmi Mittal ayaa hantidiisa lagu qiyaasay inay tahay $16.6 Billion waxa uu ninkani guriga uu ku jiraa uu qiimihiisu dhan yahay $222 Million waxa uu gurigiisani ku yaala magaalada London
  4. Roman Abramovich guri uu ku leeyahay magaalada London ayaa ah mid uu qiimahiisu yahay oo uu ku iibsaday $ 140 Million, isagoo hantida uu  haysto lagu qiyaasay inay tahay $9.4 Billion. Ninkan ayaa ha mulkiilaha kooxda kubada cagta ciyaarta ee Chelsea.

 
 

Leave a Reply