Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In La Adkeeyo Wadajirka Iyo Midnimada Somaliland

0
357

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal  Cali Waraabe , ayaa  shacabka Somaliland ugu baaqay in laga shaqeeyo sidii loo adkayn lahaa wada jirka iyo midnimada Somaliland, waxaanu tilmaamay in loo midoobo sidii ay Somaliland aqoonsi  buuxa u heli lahayd.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ka sheegay dalka Sweden oo uu Isniintii si diiran ay ugu soo dhawayeen  jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi.waxa kale oo uu sheegay in halgan adag loo soo galay sidii Somaliland ay u noqon lahayd qaran madax-banaan.
 
“Waad ogtihiin oo  waa innagii hal-gankii ku adkaanay , waxa bilaabmay dagaalkii siyaasadda,  qorshaa jira oo wixii la inagaga qaadi waayay qori iyo diyaarado in bahaa-baahaa  la inagu dayo ayuu cadowgeenu wadaa, waxaanay adduunkii ka iibinayaan been, taasi ayaynu ka hor-tagaynaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.
 
Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray “Anigu ilLaa bishii June ee sanadkii hore intaan dalka joogay in yar bay ahayd oo waxaan iskaga daba qaadayay Maraykan, iyo Nairobi oo ah meesha arrimaha Soomaalida lagu kar-kariyo, Imaaraadka iyo Jabuuti haddana hal-gankii waxaan soo gaadhsiiyay Yurub,   waxa loo baahan yahay  in la adkeeyo Himiladeenii u weynayd ee ahayd in aynu qaran noqono oo ictiraaf helno, taasna waxa lagu gaadhayaa midnimo.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply