Dagaalka Yukreyn oo ka sii Daraya

0
340

Militeriga Ukraine ayaa sheegay in xoogagga falaagada ay gaadheen bartamaha magaalada bariga ee Debaltseve halkaasi oo dagaal daran uu ka socdo.
Afhayeen jooga Kiev ayaa sheegay in unugyadooda madaafiic lagu garaacayo iyadoo qaar ka mid ahna loo qabsaday la haystenimo.
Falaagada ay taageerto Russia ayaa horay u sheegtay inay la wareegeen maamulka saldhigga tareenada iyo meelaha dibadda ee bariga.
Iyadoo waqtiga kama dambeysta ee l xabadjoojinta  la dhaafay ayuu dagaal daran ka socdaa halka ay ku kulmaan gaadiidka oo ku taal inta u dhexeysa dhulka ay falaagada haysato ee Donetsk iyo Luhansk.
 
 
 

Leave a Reply