‘Si Aan Loo Arag Wax Raad Ah Ayuu Barkimadiisa Ku Tollay Kabihii Ilmaha Yar Ee La Dilay’

0
375

Gabilay (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cade ayaa sheegay in ciidamada Boolisku ay gacanta ku soo dhigeen eedaysanayaal loo tuhmayo dilka wiil yar oo maydkiisa laga helay todobaadkii hore degmada Alaybaday ee gobolka Gabiley.
“Waxaynu wadnaa si qarankani mid nabad gelyo ku naalooda, oo la jaanqaada nabadgelyada casriga ah ee horumarka wata. Dalkeenna waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu wanaagsan xaga dambi baadhista, waxaan idiin sheegayaa dadka in xun ayaa ku jirta oo waxaa la yidhi baruur qudha ayaa baruuro qudhmisa, inta aynu noolnahayna aadamaha dambi lagama waayayo,”ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde oo Axadii la soo dhaafay ka hadlayay Axadii xaflad ay ku qalin-jabiyeen dufcadii labaad ee ka baxday jaamacadda Timacadde ee magaaladda Gabiley.
Wasiir Waran-cadde oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan fursadan uga faa’iidaysanayaa in aan hambalyeeyo oo aan u mahad celiyo ciidamadeena amniga oo u tababaran dambi baadhista oo lagu majeerto marka aad geeska Afrika eegto, waxyaabaha aan ku bogaadinayo waxaa ka mid ah in gobolada geeska Africa ee aynu ku noolnahay in aynu marayno dhinaca dambi baadhista in la inagu majeerto in aynu nahay qolyaha ugu horreeya.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray “Waxaad la socotaan in bari  dhawayd ay qof dumar ahi gabadh ay wax yar isku lahaayeen oo markii ay su’aashii ku badisay inta ay u yeedhay ay tidhi halkan soo fadhiiso, dabadeed inta ay dishay oo ay guriga dhexdiisa god ka qoday iyada oo kaligeed ah inta ay biraysay dabadeedna ay ku riday oo ay aastay, markii la sheegay waxaynu ku guulaysanay in aynu urino ama aynu ogaano in aynu ka soo saarno halkii ay ku qudhmisay ama ay ku riday.”
 
“Waxaan jecelahay in aan halkan idiinka sheego dhacdo inagu cusub oo shalay (dorraad) ka dhacday gobokan Gabilay, oo la xidhiidha ilmo yar oo toban jir ah oo saddex cisho la la’aa oo maydkiisii la helay oo markii aanu dambi baadhista ka bilawnay laga helay ciddii la tuhun sanaa kabihii ilmaha yari xidhnaa oo ninkii la tuhunsanaa ku toshay barkimadiisa si aan loo arag wax raad ah. Wallaayaal waxaan idiin soo jeedinayaa in aad dhinaciina nabadgelyada ka ilaalisaan oo aad la shaqaysaan ciidamada amaanka,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Wasiir Waran-cadde.
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply