Ganacsatada oo ka Hadashay Saamaynta Joojinta Lacagaha Dibadaha laga soo Diro ku Yeelayso Soomaalida

0
404

Hargeysa (Dawan)- Ganacsatada waawayn ee dalka, ayaa ka hashay saamaynta joojinta lacagaha xawilaadda ee dibadda laga soo diro ku yeelanayso bulshada Soomaalida ah ee ku xidhan qaraabadooda, iyagoo beesha caalamkana u soo jeediyey in laga hortago khatar bani’aadanimo oo arrintaasi ka dhalan karta.
Shir dhexmaray wakiillo kala matalayey ganacsato kala duwan iyo saraakiil ka socotay hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska ee DFID oo shaqo u jooga Somaliland oo ka qabsoomay xarunta Warshadda Sharaabka Cocacola ee SBI ee degaanka Jaleelo oo duleedka Waqooyi/bari kaga beegan magaalada Hargeysa, kaasi oo lagaga hadlayey fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga, ayaa waxa hadheeyey walaaca laga qabo dhibaatada haysata xawaaladaha Soomaalida ee dibadda iyo xayiraadaha bangiyada reer Galbeedku saaraan oo kii u dambeeyey oo la yidhaa Merchant Bank ee Maraykanka uu ku joojiyey akoonnadii xawaaladaha Soomaalidu ku lahaayeen si ay lacagaha uga soo diraan.
Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ka mid ahaa ganacsatadii shirkaasi ka qaybgashay, ayaa ka warramay ujeeddadii shirkaasi iyo saamaynta xidhitaanka akoonnada xawaaladaha Soomaalida ee ganacsatadu muujiyeen, isagoo tilmaamay dadaallo caalami ah oo lagu doonayo dib-u-furistooda.
“Shirkan oo wasaaradda Horumarinta u qaabilsan Ingiriisku ku martiqaaday ganacsato badan, waxay ganacsatadii ka qaybgashay shirkad waliba gaarkeeda ayey uga hadleen waxay qabtaan, kadibna waxay ka hadleen sida lacagta dibadda ka timaada ama xawilaaddu dhaqaalahooda uga qaybqaadato, tusaale ahaan, maamulaha shirkadda Cocacola ee SBI waxa uu sheegay in macmiishiisu lacagta dibadda ka helaan oo xidhitaankeedu saamayn karto baayac-mushtarigiisa ama ay saamayn karto kuwa telefishannada kiradooda bixinaya amaba kuwa raashinka iibsanaya dhammaantood, waayo lacagtan dibadda ka timaadaa way wareegtaa. Markaa ganacsatadu waxay tilmaameen muhiimada lacagtani ay u leedahay dhaqaalaheenna,” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid oo laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du waraysi la yeelatay.
Maamulaha guud ee Dahabshiil oo la waydiiyey dareenka saraakiisha hay’adda DFID ka bixiyeen saamaynta joojinta lacagaha xawaaladaha, waxa uu ku jawaabay, “Weftiga dawladda Ingiriiska ka socdaa runtii way qireen in shaqadan shirkadaha Dahabshiil ka mid tahay qabtaan muhiimada u tahay dhaqaalaha dalka, inay ka qaybqaadato horumarka waddanka, inay qayb wayn ka tahay nolosha dadka lacagaha isu soo diraya ee gudaha iyo dibaddaba. Waxa kaloo ay sheegeen in sharciyadda bangiyada la xidhiidha ee dalalka gaar ahaan Maraykanka ay saamayn ku leeyihiin lacagta dibadda ka imanaysa, waxay sheegeen inay muddaba ku mashquulsanaayeen sidii ay arrintaa uga caawin lahaayeen dadka Soomaalida ah, inkastoo ay qireen inay muddo qaadatay qorshe hay’adda DFID ugu talogashay oo ah hab sii xoojinaysa ammaanka waddada lacagtu sii marayso (Safer Corridor Process), markaa waxay xuseen in haddii ay yihiin Ingiriiska ay raadinayaan xal loo helo arrintan.”
Mar kale waxa la su’aalay in weftiga Ingiriisku sheegay waqti cayiman iyo waxa rasmiga ah ee ay ka qabanayaan arrintan, waxaannu yidhi, “Weftigu kamay sheegin shirka oo may odhan waqtigaasi ayaanu wax ka qabanaynaa, runtiina ganacsatadii shirka qaybgashay oo dhami ka hadleen arrintan, laakiin weftigu markay dib noqdaan waxay raadinayaan sidii ay xal u heli lahaayeen, waayo dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku hadday dhaqaale ka caawinayaan dadka Soomaalida waxa ugu muhiimsani waa lacagta dibadda ka imanaysa oo ugu jirta halka Roodhidu ugu jirto dadka Masar noloshooda, sidaa darteed waxa ugu wayn ee nolosha ummadda ka qayb-qaataa waa muhiim Maraykan ha noqoto ama meel kale ha noqotee.”
“Hay’adda OXFAM oo aad ugu doodaysa lacagaha dibadda ka imanaya waxay ku muujisay warbixin ay bixisay dhawaan oo ay tidhi lacagaha hay’adaha oo dhami geeyaan sannadkii ayaa shirkadaha Soomaalida ee lacagta ka shaqeeyaa maalin ugu geeyaan ummadda Soomaalida. Waynu ognahay ummaddeenu iyadaa is caawisa oo iyaduu dhaqaalaheedu isku xidhan yahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply