Xarun Lagu Xanaanaynayo Darbijiifka Oo Laga Hirgeliyay Burco

0
354

Burco (Dawan) – Xaruntii ugu horaysay lagu xanaanaynayo darabijiifka ayaa laga hirgeliyay Magaalada Burco, taas oo asaaskeeda iyo fikirkeeda uu lahaa Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha deegaanka Burco.
 
Xaruntan oo ay si wada jir ah xadhiga uga jareen Maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd.
 
 
Ugu horayn Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo isagu lahaa fikirka lagu hirgeliyay xaruntan lagu xanaanaynayo darbijiifka Burco oo halkaasi ka hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Wixii ay lahaayeen dhalinyaradaasi, Wasiirrada maaliyada iyo arrimaha bulshada waxaan u sheegayaa aniga oo ugu iman doona Hargeysa wixii ay Burco iyo dhalinyaradaasi xaq u leeyihiin ee miisaaniyada ugu jira darbijiifka inay qaybtoodii halaan, waanan rajaynaynaa INSHA ALLAH inay heli doonaan oo aanay miisaaniyada caruurta darabi jiifku noqon Hargeysa oo keliya. Waxaan u sheegayaa qurbajooga, ganacsatada iyo reer Burcoba inay nagala qaybgalaan oo ay gacan ka geystaan.”
 
 
Maayarka Burco Maxamed Muraad ayaa  sheegay in xaruntani ay tahay mid loo baahnaa, islamarkaana ay dawlad hoose ahaan daal u galeen, waxaanu yidhi “Dawlad hoose ahaan waxaanu aad ugu halganay sidii ay hawshaasi ay u hirgeli lahayd, hay’adaha caalamiga ah baanu la kaashanay rag badan oo hawshaa nagala shaqeeyayna iyagana waanu u mahad naqaynaa.” Ayuu yidhi Maayarka Burco
 
 
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa oo maanta mahad  mudan, Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah Xukuumadd ku sifawday inay ururiso dadka nugulka ah iyo dadka jilicsan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply