Tirada Dadka Galaya Yurub oo Kordheysa

0
368

Wakaaladda ilaalada xadka Yurub, Frontex, ayaa ka digtay tirada soo galootiga ee la filayo inay yimaadaan 2015ka. Wakaaladda ayaa sheegeysa inay jirto shan kun iyo lix boqol (5600) oo si aan joogto aheyn uga soo galay meelo kala duwan oo xadka ah ilaa markii uu sanadka bilowday.
Madaxa Frontex, Fabrice Leggeri, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters, in kuwa ka ganacsada kala gudbinta dadka ay kordhayaan iyagoo ka faa’ideysanaya dagaalada Afrika iyo bariga dhexe.
Horay ayey saraakiil Talyaani ah u sheegeen in xaaladda jasiiradda Lampedusa ay sii xumaaneysay halkaasi oo boqolaal soo galooti ah ay imaanayeen.
Waxaa hadda joogo Lampedusa in ka badan kun oo ka badan inta ay qaadi karto jasiiradda.

Leave a Reply