Maamulka Dugsiga AL-KHAYR Oo Ka Hadlay Qorshe ay Wiilasha Iyo Hablaha Ku Kala Saareen

0
393

Hargeysa (DAWAN)- Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare  ee AL-KHAYR ee Magaaladda Hargeysa, ayaa kala saaray oo fasalo kala gooniya  wax ku bara wiilasha iyo hablaha wax ka barta dugsigaasi, taasi oo wax weyn ka tartay kor u qaadista waxbarashada ardayda.
 
Maamulaha Dugsiga AL-KHAYR  Mr. Axmed Maxamed Faarax, oo shalay  la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in tallaabadani ka dhalatay daraasad ay ku sameeyeen in waxbarashadu ku wanaagsan tahay in wiilasha iyo hablaha la kala saaro. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu dhawaan samaynay inaanu kala saarno wiilasha iyo gabdhaha wax ka barta dugsiga Hoose/dhexe iyo sare ee  AL-KHAYR. Waxaanan sidaasi u yeelnay markii aanu ogaanay in waxbarashadda hablaha iyo wiilashu ay ku wanaagsan tahay in la kala saaro oo inamaduna ay wax ku bartaan fasalo gaar ah, habluhuna ay wax ku dhigtaan fasalo khaas u ah.”
“Arrintani waxa ay u wanaagsan tahay oo kale dhinaca akhlaaqda iyo diinta bulshadda, waxaanay u horseedaysaa in habluhu ay waxbarashadoodu noqoto mid  ka sareysa sidii ay ahayd markii hore, waxa meesha ka baxaya xishoodkii ardayda hablaha ah qaarkood ay ku adkaan jirtay inay macalinkooda u bandhigaan su’aalaha mad-madowgu kaga jiro. Laakiin marka fasalku hablo gaar ah yahay waxa imanaysa dhiiranaan iyo inay si kalsooni leh fursad ugu helaan inay macalimiintooda waydiiyaan wixii casharkooda la xidhiidha oo dhan,”ayuu intaas ku daray Axmed Maxamed Faarax.
Maamulaha dugsiga AL-KHAYR waxa uu xusay in natiijo wanaagsan oo dhinaca sare u qaadida waxbarashada ahi ka soo baxday  tan iyo markii ay dhawaan hirgeliyeen qorshahan cusub ee ay hablaha iyo wiilasha ku kala saareen.
 
Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare ee Al-khayr oo ka mid ah Dugsiyadda gaarka loo yahay, ayaa waxa uu noqonayaa dugsigii  labaad ee ku tallaabsaday arrintan oo dad badani soo dhaweeyeen, iyadoo dugsiga Nuura-diin uu isna hore u kala saaray ardayda dugsigaas wax ku barta.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply