Dalka Maraykanka Dabo qalooc ayaa ku abuuray argagax iyo cabsi rakaabkii dayuurad ay leedahay shirkadda US Airways, ka dib markii uu qaniinay gudaha Dayuurada gabadh ka mid ahayd rakaabka. Dayuuradan ayaa u socotay magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalka Maraykanka. Afhayeen u hadlay shirkadda Dayuuradaha ee US Airways aya sheegay in duulimaadkan oo ahaa Number 567 uu dib uga dhacay wakhtigiisa, sababtuna ay ahayd wareerka uu soo kordhiyay Dabo qalooca. Dayuurada ayaa istaadhantay oo diyaar u ahayd inay duusho markii uu Dabo qaloocu qaniinay gabadha rakaabka. Waxaana goobta markiiba yimi koox dhakhaatiir ah waxayna daweeyeen gabadhaasi, iyadoo dalbatay in daayuuradda laga dejiyo. Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in koox dhami ay muddo 50 daqiiqo ah ka baadheen Dayuurada inuu ku jiro Dabo qalooc kale. Sida la sheegayna Gooobtaasi ayuu ku badan yahay Dabo qaloocu.