Dembi baadhayaasha dalka Switzerland ayaa galay oo baadhitaan ku sameeyay qeyb ka tirsan mid ka mid ah bangiyada adduunka ugu waaweyn, oo lagu magacaabo HSBC, taasi oo qeyb ka aheyd baadhis la xidhiidha lacago sharci darro ah.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in baadhista ay ka dhalatay warbixino dhawaan saxaafadda loo dusiyay oo sheegeysa in bangiga uu ka kaalmeeyay macaamiil maalqabeeno ah inay canshuurta la dhuuntaan.
HSBC ayaa sheegtay inay la shaqeyneyso mas’uuliyiinta Swiss.
Madaxa bangiga HSBC, Staurt Gulliver, ayaa todobaadkii la soo dhaafay raali gelin ka bixiyay wax uu ugu yeedhay dhacdo taariikheed isagoo sheegay in si buuxda loo dhinac maray hababka bangiyada gaarka ee Swiss.