Ciraaq oo Ciidammo u Diyaarisay Duulaanka Mowsul

0
315

Ilaa 25 kun oo ciidan oo isugu jira ciidanka Ciraaq iyo kuwa Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq ayaa loo diyaarinayaa in ay dib u qabsadaan Magaalada Muusul oo haatan gacanta ugu jirta kooxda Daacish, sidaasi waxa sheegay sarakiil Maraykan ah.
Sarkaal sare oo ka tirsan Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in hawlgalka lagu la wareegi doono magaalda Muusul uu dhici doono bisha April ama tan May.
Sarkaalka ayaa waxa uu intaasi ku daray in Muusul oo ah Caasimada labaad ee Ciraaq ay haatan gacanta ku hayaan mitidiin lagu qiyaasay kun ilaa laba kun oo ka tirsan Daacish.
Magaalada oo ay ku noolaayeen in ka badan hal milyan oo Ciraaqiyiin ah ayaa waxa ay Daacish gacanta u gashay bishii lixaad ee sanadkii tagay.
Horraantii todobaadkan, Ra’iisalwasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi ayaa xaqiijiyey in ciidamada Ciraaq ay qorsheynayaan ‘weerar lagu qaado Muusul.’
Dhinaca kale taliyayaal Miletari oo ka socda 20 wadan ayaa Khamiistii ku kulmay Sacuudiga waxayna isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa ciidanka Ciraaq.

Leave a Reply