Xawaaladaha Soomaalida ee Maraykanka oo la Xidhay

0
360

Waxaa albaabada loo xidhay dhamaan xawilaadaha Soomaalida ee Maraykanka kaddib markii uu xisaabaadkoodii xidhay Bangiga lacagaha dibedda u xawili jiray.
Xawilaadaha ayaa horay u xidhmay in ka badan boqolkiiba 80 markii la xidhay xisaabaadkoodii.
Xawilaadaha inta hadhsanayd ayaa iyaguna loo qabtay 31-da bisha March ee inagu soo aadan, iyadoo xilligaasi kaddib la filayo in la xidho xisaabaadkooda.
Cabdicasiis Sugule oo ah gudoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawilaadaha Soomaaliyeed ee Maraykanka ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in golaha wakiillada uu go’aan ka soo saari doono arrintaasi.
Hay’adda Oxfam ayaa sheegtay in boqolkiiba 40 dadka ku nool Soomaaliya ay ku tiirsan yihiin lacago laga soo xawilo dibedaha
 
 
 

Leave a Reply