Maraykanka oo Lagu Xidhay Arday Sacuudi ah

0
326

Dalka Marayknka ayaa arday u dhashay dalka Sacuudiga iyo saaxiibkii oo Maraykanka u dhashay lagu xukumay 5 sano oo xadhig iyo ganaax lacageed oo dhan 250 kun doller Maraykanka ah.
Labadan Arday ayaa been u sheegay ciidamada Amaanka iyagoo gaadhsiiyay in nin argagixsio ahi uu doonayo inuu qarxiyo Kiniisadda  gobolka Oklahoma ee Maraykanka.  Sheekadaasi beenta aha ayuu xukunku ugu dhacay labadan Arday oo da’doodu kala tahay 19 sano iyo 23 sano.
Ardayga Maraykanka ayaa adeegsaday telefoonka Ardayga Sacuudiga isagoo booliiska fariintaasi beenta ah gaadhsiiyay. Ardayga Sacuudiga ayaa ku doodaya in Telefoonkiisa uu istcimaalay saaxiibkii isagoon aan u sheegin, laakiin Maxkamadda ayaan arinkaasi waxba ka soo qaadin markii ay weyday sida ay sheegtay markhaati cad.

Leave a Reply