Dawlada Japan Oo Sheegtay In Computers-keeda Lasoo Weeraray 25 Million Oo Jeer Sannadkii 2014-kii

0
317

Dawlada dalkaasi Japan ayaa sheegtay in kooxo tuug ahi ay soo weerareen computers-ka ay isticmaasho dawlada dalkaasi iyo shirkaddo gaar loo lee yahayba sannadkii ina dhaafay ,iyaga oo sheegay in weeraradaasi lagu soo qaaday  25 million oo jeer.
Weeraradan ayaa laba jibaar ka badan kuwii sannadkii hore,sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaalada wararka ee lagu magcaabay Kyodo  oo kamid ah wakaaladaha wararka ee dalkaasi Japan ugu faca weyn.
Weeraradan ayay sheegtay xarunta Technology-ga ee wadankaasi Japan inay kaga yimaadeen  40% kamid ahi wadanka Chine ,halka inta kalena ay kaga yimaadeen wadamada North Korea (Waqooyinga Kuuriya),Ruushka iyo wadanka Maraykanka.
Weerarada tuugada Internet-ka ayaa la sheegay inay korodhay sannadkii ina dhaafay ,iyada oo ay weeraro kala gedisan ka geysteen wadamo caalamka oo dhan ku kala yaala,kuwaas oo ay u adeegsadeen qalabo kala duwan,gaar ahaana Links ay u direen intooda badan Computers-ka
Wiigag yar ka hor waxa ay soo saartay hay’ad laga lee yahay wadanka Maraykanku  warbixin ay ku sheegtay inuu ahaa sannadkii ina dhaafay sannadkii ugu khatarta badnaa dhinaca Computers-ka,iyada oo intaasi raacisay inay rajaynayso inuu aad u yaraado weerarada lagu soo qaado computers ka dalkaasi,iyada oo tilmaantay inay isticmaalayaan qalab casri ah oo lagu magcaabo Internet Electronic Viruses And Piracy loona soo gaabiyo McAfee,iyada oo laga hortegaayo weeraro sii siyaada sannadkan 2015.
Waxa la sheegay inay tani tahay hawlgaladii ugu badnaa ee ay sameeyaan kooxahaasi,iyada oo uu kii ugu xumaa dhacay  bishii November 24-keedii sannadkii 2014,kaas oo lagu qaaday shirkadda Sony Pictures,taas oo laga xaday macluumaad balaadhan oo ay lahaayeen 47,000 oo shaqaale ahi,kuwaas oo ay ku jiraan macluumaad khaas ahi,kuwo maaliyadeed iyo kuwo muqaalo ah oo si sharci daro ah loogu baahiyey internet-ka.
Waxaanay taasi ku eedaysay dawlada Maraykanku inay ka dambaysay dawlada Waqooyiga Kuuriya oo ay cadaawad balaadhani ka dhaxayso.
 

Leave a Reply