Shirkadda Sony Oo Bisha Soo Socota Suuqyadda Kusoo Deynaysa Muraayado Loo Isticmaalaayo Sida Mobile-ka

0
325

Shirkadda Sony oo ah shirkad soo saarta Telefoonada ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso sidii ay bisha soo socota suuqyada usoo gelin lahayd muraayad loo isticmaalaayo sida Telefoonadda oo kale,gaar ahaana kuwa gacanta,taas oo ay ku xidhan yihiin muraayadeeda qalab lamid ah ka taleefankaasi.
Shirkadda ayaa sheegtay in laga heli doono 10 wadan marka ugu horeysa,kuwaas oo qiimo ahaan ku imanaaya lacag dhan $840 dollar.
Sony waxay sheegtay in laga dhigay muraayadan mid aad u tayo badan,sidoo kalena aan lahayn wax saamayn ah oo kaga imanaysa dadkaasi ,sida lagu daabacay website ka lagu magcaabo Mashable ,waxaanay intaasi ku dartay in lagu sameeyey Programs leh ka hortag ama waxa loo yaqaano Protect of Reflection .
Culayska muraayadan ayaa lagu sheegay inay tahay 77 grams,taas oo ka fudud kuwii hore,iyada oo sidoo kalena leh Gyroscope ah nooc cusub oo loogu talo galay inay si fudud ula socoto dhaq dhaqaaqa waxyaalaha Programs ka ah ee murayadaasi ku jira,una shaqaynaaya sida Mobile-ka Programs-kiisa oo kale.
Muraayadahan ayaa ah kuwo si balaadhan loo casriyeeyey ,kuwaas oo ay ku dhan yihiin waxyaalihii uu lahaa Mobile-ku,gaar ahaana Images-kii,Lighting-kii iyo  muraayada oo ah 3-Megapixel ,lehna Microphone.
Muraayadan ayaa si sahlan looga arkayaa waxyaalaha Qoraalka ah ,iyada oo akhtar ama cagaar noqonaysa marka qoraal soo galo,waxaana ku lamaan beytariy iyo sameecado codka laga maqli karaayo.
Shirkadda Google ayaa hore usoo saartay muraayado noocan oo kale ah,kuwaas oo mushkilado badan ku keenay dadkii isticmaale yaasha ahaa.

Leave a Reply