Shirkad Laga Lee Yahay Ingiriiska Oo Markii Ugu Horeysay Soo Saartay Dawo Awood U Leh Inay Tirtirto Xanuunka Malaria-da

0
287

Shirkad laga lee yahay dalkaasi Ingiriiska ayaa cadaysay inay ku guulaysatay soo saarida dawo lagaga hortegaayo xanuunka loo yaqaano Malaria-da oo ah mid ay keento kaneecadu,taas oo kenaysa rajo ah in laga takhaluso xanuunkaasi sannadaha soo socda.
Gabadh u hadashay shirkaddaasi la yidhaahdo Able Giant waxay sheegtay inay rajaynayaan inay gaadhsiiyaan sannadaha soo socda wadamada soo koraaya oo uu dhibaato ku hayo xanuunkaasi,gaar ahaana kuwa qaaradda Yurub.
Dawadan oo lagu magcaabo Glaxo Smith Klein ayaa la sheegay in la rajaynaayo in la sameeyo meelo la dhigo lagana heli karo,si deg deg loogu geeyo meelaha lagu sheego xanuunkaasi,gaar ahaana meelaha ay ku awooda badan tahay,iyada oo loo qoondeeyey in la keeno meelo ay kamid tahay Durban ,South Africa,iyaga oo tilmaamay in nooc kamid ah halkaasi waqtigan loo raraayo,taas oo lagu magcaabo (RTS),waana nooc kamid ah dawadaasi ka hortaga ah.
Dawadan ayay tilmaameen khubarada soo saartay inay si fiican jidhka uga sifayn karto xanuunkaasi,iyada oo  ay aad ugu fiican tahay caruurta ,gaar ahaana kuwa da’doodu gaadhayso 5 sanno ilaa 7 sanno inta u dhaxaysa,sidoo kalena waxa qayb dawadaasi kamid ah la siinayaa caruurta intaasi ka yar yar ,gaar ahaana kuwa gaadhaaya 6 ilaa 12 toddobaad,taas oo macneheedu yahay 75% kamid ah dadkaasi inay ka badbaadi karaan xanuunkaasi.
Shirkada laga lee yahay dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegtay  in dawadani ku filan tahay meelaha loogu talo galay ,gaar ahaana wadamada soo koraaya,sida uu sheegay Andrew Witty oo ah agaasimaha shirkaddaasi, waxa iminka ku jira tijaabadii ugu dambaysay dawooyinkaasi oo la filaayo inay dhowaan soo gaadhaan suuqyada dawooinka lagu iibiyo ,si loogu qaybiyo wadamo badana ,waxa la rajaynayaa in loo sameeyo hor dhac.
Xanuunkan Malaria-da ayaa waxa sannad walba u dhinta caalamka dad lagu qiyaaso inay gaadhayaa 660,000 oo qof,kuwaas oo ku nool wadamada soo koraaya badidoodu,waxaana ugu badan caruurta da’ahaan ka yar yar  5 sanno,iyada oo caalamka lagu arkay 219 oo million oo kays.
 

Leave a Reply