Dayuurad Shaki looga Dejiyay Rakaabkii

0
322

Dayuurad ay leedahay shirkadda Dayuuradaha Sacuudiga ayaa laga dejiyay dhamaan rakaabkii saara.
Dayuuradan oo ka duulaysay Riyaad kuna socotay Rafxa ayaa joojisay duulimaadkiisa.  Ciidanka amaanka ayaa si weyn u baadhay dhamaan alaabtii ay siteen rakaabku.
Arintan ayaa timi ka dib markii qof rakaabka ka mid ah uu la soo hadlayay mid kale iyadoo la fahmi kari waayay arimaha ay ku saabsan yihiin sheekadooda. Rakaabka ayaa aad u cadhooday iyadoo wax yari ay ka hadhsanayd wakhtigii ay dayuuradu duulaysay. Qofkii laga shakiyay ayaa la baadhay waxaana cadaatay in aanay jirin wax dhibaato ah. Dayuuradi ayay rakaabkii loo ogolaaday si ay  duulamaadkeeda u sii wadato.

Leave a Reply