Qiimaha Akhlaaqda: “ Qof Waliba Wuxu Bixiya Wixii Ku Jira Qalbigiisa”

0
293

 
Nin taajir ah aya maalin nin faqiir siiyay seled ay ka buuxdo cunto  xumaatay iyo xashiish. Faqiirka aya dhoola cadeeyay una mahad naqay, selediina qaatay oo iska tegay.  Ninkii faqiirka ah aya seladii ka guray wixii ku jiray, waana uu nadiifiyay. Waxa uu Seledii ku soo riday Ubaxyo aad u qurux badan oo udgoon , wuxu ku soo noqday guriga ninka qaniga ah waana uu siiyay.
Ninkii qaniga ahaa aya aad u yaabay  waxaana uu ku yidhi : “ Waxaan ku siiyay Seled ay ka buuxaan cuntooyin xumaaday oo aana u baahnayn, waxaanad igu soo celisay iyadoo Ubxayo udgooni ka buuxaan oo nadaiif aha waa maxaad ula jeeda? Ninkii faqiirka aya ugu jawaabay  “Everyone gives what he has in his heart. “ Qof kasta wuxu bixiyaa wixii qalbigiisa ku jira”.

Leave a Reply