“Haddii ay Ka Tallaabsadaan Sharciga Guddoomiyeyaal iyo Asxaab Noqon Maayaan Waxaanay Isku Rogayaan Dambiileyaal” …

0
378

Hargeysa(Dawan):  Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga   KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac shabeel), ayaa masuuliyiinta xisbiyadda Mucaaridka ah ku eedeeyay in ay sharciyada dalka baal marayaan kuna tilmaamay in ay  yihiin danbiileyaal noqonayaan haddii ay ixtiraami waayaan shuruucda dalka .
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE  waxaa kale oo uu intaa ku daray in Xisbiga KULMIYE diyaar u yahay kana go’antahay in ay doorashadu xiligeeda ku qabsoonto isla markaana ay ka war sugayaan oo kaliya gudiga doorashooyinka oo ay ku xidhantahay qabsoomidda doorashooyinku.
Jaamac Shabeel, oo  u waramay   wargeayska Dawan, oo   aanu waydiinay sida ay xisbi KULMIYE ahaan ay u arkaan  hadalka guddoomiyaha WADDANI k u sheegay in aanay aqoonsanayn  Xukuumadda iyo Golaha wakiilada jiritaankooda markay taariikhdu gaadho 26 June waxa uu  yidhi   “Horta hadal la iska yidhi wax soconaya maaha cid kasta oo doonaysa in ay wax noqotaana waxay u baahan tahay in ay ilaaliso sharciga dalka sababtoo ah  qof kastaana waxaa uu wax ku yahay waa sharciga laakiin hadday sharciga ilaalin waayaan oo ay  ka tagaan iyaguna guddoomiyeyaal noqon maayaan xisbiyadooduna sharci noqon maayaan ee waxay noqonayaan dambiileyaal jabiyay sharciyadda dalka.”
 
 
Jaamac Shabeel  oo aanu waydiinay in ay KULMIYE ahaan diyaar u yihiin doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta, ayaa ku jawaabay.
“Kulmiye iyo xukuumaddiisa way  ka go’antahay in doorashada wakhtigeeda ku qabsoonto dhanka dawladdana  wax ku baaqday ma jiraan oo doorashada ku xidhan waxaa kaliya ee laga war sugayaa waa gudiga doorashooyinka oo  laga sugayo in ay ku dhawaaqaan xiliga doorashooyinku ay qabsoomayaan imikana hawlahoodii way wataan meel wanaagsna way u  maraysaa waana in hawshooda loo daayo oo laga war sugo intaa wixii aan  dhaafsiisani waa qalad ayaan  leeyahay  sabab naloo yidhaahdo KULMIYE iyo Xukuumaddiisa ayaa doorashada diidanina ma jrto sababtoo ah wax kasta oo Xukuumada ku xidhnaa hore ayay u dhamaysay” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Sidoo kale Jaamac Shabeel  oo ka jawaabayay haddii doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi waydo waxa looga gudbayo iyo in ay talo qaran la yeelanayaan asxaabta mucaaridka ah, waxa uu yidhi  “Haddii ay taasi dhacdo oo ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi waydo  dalku sharci ayuu leeyahay sharciyadda oo kaliya ayaana  lagu dhaqmayaa  wax aan sharci ahayn dalka kama suura galayaan dalkana dawlad ayaa ka talisa  dawladda oo kaliya ayaanu xilka dalku saaran  yahay, talo qaran marka loo baahdana waxay ku iman kartaa oo kaliya marka uu u arko Madaxweynuhu in ay lagama maarmaan noqoto in la isugu yimaado Madaxwaynaha ayaanay dadku doorteen oo qaranka Somaliland matala.”
Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply