Xukuumadda Oo Madbacad Casri Ah U Soo Iibisay Wargeysyadda DAWAN GROUP

0
374

Hargeysa (Dawan):  Madbacad casri ah oo ay xukuumada Somaliland  u soo iibisay  wargeysyada dawlada ee Dawan Media Group ayaa shalay si rasmi ah u soo gaadhay xarunta wargeysyada Dawan ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Madbacadaasi 15-kii bishii hore ee January 2015 ka soo degtay Dekeda Berbera oo imika laga soo raray.
 
Guddoomiyaha Wargeysyada Dawan Media Group Mr.   Maxamed Cismaan Mire (Sayid), oo isla shalay  ka hadlay Madbacadan casriga ee xukuumadu u soo iibisay wargeysyada Dawan Group ayaa  waxa   keenista Madbacadaasi  uu ku tilmaamay  in ay tahay  arin aad u muhiim ah oo qayb ka ah qorsheyaasha   iyo mashaariicda kala gedisan ee ay xukuumada talada haysa ee  uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ugu talo gashay inay ku horumariso warbaahinta kala duwan ee dawlada iyo saxaafada kale ee madaxa banaanba.
 
Guddoomiye Sayid,  waxa uu  ka waramay heerarkii  kala duwanaa ee ay soo martay keenista madbacadan casriga ahi, oo laga soo iibiyay wadamada Yurub , waxaanu uga mahadnaqay masuuliyiinta xukuumadda oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne ku xigeenka Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici,   Wasiirka Wasaaradda maaliyadda  iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ku xigeenkiisa iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi.
Maxamed Maxamed Cismaan Mire (Sayid) isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay iyada oo madbacaddii wargeysyada Dawan oo aanu muddaba ku hawlanayn keenisteeda ay maanta (shalay) laga rogay koontiinarkii ay ku jirtay sida aad aragtaan, waa taa laga rogay, wixii macluumaad ah ee kale iyo faahfaahinta madbacadan cusub ee casriga ah iyo ujeedada laga leeyahay dib ayaanu u dhiganaynaa.”
 
Guddoomiyaha wargeysyada Dawan Media Group, waxa kale oo uu intaa raaciyay “Ujeedada ugu muhiimsan ee aan halkan ka caddaynayaa waxay tahay in ay timi madbacadii oo ay maanta horteena taalo, wixii faahfaahin ah ee intaa dheer waxaanu ku daah-furidoonaa si wadar ah furitaanka madbacada, hadday tahay wasaarada warfaafitna iyo wargeyska ahaanba.”
 
Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa mudadii ay taladda dalka  haysay waxay ku guulaysatay in ay keento idaacadii ugu weyneyd  oo 100KW ah, taasi oo dalka  iyo dibadiisaba laga dhegaysto, iyadoo sidoo kale balaadhin ku samaysay TV-ga qaranka oo isna caalamka oo dhan laga daawado.
Sidoo kale waxay xukuumaddu imika keentay madbacad loogu tallo-galay in lagu daabaco wargeysyadda DAWAN, taasi oo ah mid casri ah, isla markaana aanu nooceedu hore dalka u oolin, taasi oo ah mid daabacaysa dhamaanba midabyadda kala duwan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply