“Waa gef weligeed-ba dawlad wadaag ah lama dhisin maalintii aanu lahayn waxba ayaan loo kordhin Rayaale, Faysal waa kii nagu diidanaa ee lahaa Saleebaan ayaa meesha loo dhibayaa”.. Xildhibaan C/raxmaan Qawdhan

0
376

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan C/raxmaan C/qaadir Qawdhan oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadalkii ka soo yeedhay guddoomiyaha golaha  Wakiiladda ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Ciro ee uu ku sheegayay in la kala dirro xukuumadda iyo Golaha Wakiilada haddii  ay doorashadu wakhtigeedii  dib uga dhacdo.
Waxaanu  sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii ku kacda falal wax loogu dhimayo qaranimada Somaliland, isagoo  tilmaamay in aanu guddoomiye Ciro diyaar u ahayn inuu noqdo murashax madaxweyne.
 
 
Xildhibaan Qawdhaan oo shalay u waramayay  DAWAN,  isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii ay muuqato in xilligan doorasho qabsoomayn waddoooyinkaynu mari jirnay ayuun baynu maraynaa, wax alaale iyo waxay kaga duwan tahay inuu muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddo kordhiyooyinkii hore ma jirto, waxaanay iila muuqataa in muddo kordhintu tahay wax suurto-gal ah,  waayo wax diyaarsan ayaan jirin.
 
Madaxweyne Siilaanyona waxa uu wax dheer yahay waa madaxweyne halgankii magic ku lahaa oo hogaamiye ka ahaa, xaq u leh in loo kordhiyo mudada horena umaddu u dooratay imikana doorashada nasiibkiisa ka qaadaya. Sidaa darteed waxa haboon in muddo kordhin kooban la sameeyo, dhakhsana loo diyaariyo imkaaniyaadkii doorashooyinka”.
Mudane  Qawdhan waxa uu tilmaamay in aanu  C/raxmaan   Cirro doonaynin  inuu noqdo murashax madaxweyne, maadaama oo uu iska casili waayay xilka guddoomiyaha golaha Wakiiladda.
“Guddoomiye Ciro waxa  la filayay inuu iska casilo xilka Guddoomiyaha golaha Wakiiladda  sidaas ayaana u qurux badnayd, waxaana uu kursiga guddoomiyaha wakiiladda ku fadhiyaa muddo shan sano ah, muddo kordhin oo hadda sii dhamaanaysa malaha madaxweynenimo ma doonayo oo wuxuu jeclaysanayaa inuu halkiisa sii fadhiyo.”
 
Xildhibaan C/raxmaan Qawdhan waxa kale oo uu sheegay in dalku leeyahay dastuur  isla markaana tiigsan doono sharciga cidii ku kacda talaabo wax loogu dhimayo qaranimada Somaliland, waxaana uu yidhi “Annigu ma fahmayo dadkan leh lama kordhin karo, way iska hadlayaan dalku wuxuu leeyahay nidaam sharci iyo dastuur, kaasi ayaa ina kala hagaya nidaamkii dawladnimo ayaa dhisan cidii ku gafta dalka maxkamadaha ayaa la marin doonaa, waxaana weeyi  ninkii muddane ah  ama xisbi ah   xaq waxa loogu leeyahay in maxkamad la geeyo haduu dastuurka jabiyo, xisbina waan haysanayaa, dastuurkana ogolaan maayo isma qabanayso, waana ina sharciga la ixtiraamo.”
 
Waxa kale oo uu ka hadlay mudane Qawdhan  hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, kaas oo uu hanjabay Golaha Guurtida.  “Waxaan jaraa’idka ku arkayay nin muddane ah  oo leh Guurtida waa in meesha laga dareeriyo, wuu khaldan yahay waxaan leeyahay dastuurka ha jabinina, waxaana la leeyahay adeerkii ayaa Soomaali weyn ah, malaha adeerkii ayuu u shaqaynayaa, markuu leeyahay Golaha Guurtidu  jiri maayo haddii uu muddo kordhin sameeyo saw  ma aha Somaliland jiri mayso. dastuurka ayaanad ku tahay xildhibaan oo aad dadka kaga duwan tahay, waxaanan ku  leeyahay meel ka dhaca dalka ka daaya iyo dastuurka dadkuna Xamar iyo Soomaali weyn ayay kugu xamanayaan is cadee, golahana fadhiy maysid hadaad Soomaali weyn tahay” ayuu yidhi xildhibaan Qawdhan.
 
Sidoo kale Xildhibaan Qawdhan waxa  uu dastuur jabin ku tilmaaamy hadalkii ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ee ay ku sheegayeen inay samayn doonaan dawlad ku meel gaadh ah marka la gaadho 26 June ee sanadkan.
Waxaanu  yidhi “Waxaan leeyahay arrinkaasi  waa gef  weligeed-ba dawlad wadaag ah lama dhisin maalintii aanu lahayn waxba ayaan loo kordhin Daahir Riyaale, Faysal Cali Waraabe waa kii nagu diidanaa ee laaha Saleebaan ayaa meesha loo dhibayaa oo Siilaanyo iyo Saleebaan waxay ku  wada  socdaan waa ilma adeer way isku dhiibanayaan, markaa maantana waa qayral dastuur waxa ay sheegayaan.”
By: Khadar  Maxamuud Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply