Maayarka Caasimadda Oo Ka Hadlay Dab Qabsadey Meheraddo Ku Yaalla Suuqa Waaheen

0
376

Hageysa (DAWAN):  Maayarka  caasimada Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ka hadlay dab qabsadey habeenimadii  Jimcaha maherad ku taala  suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, isagoo tilmaamay inay haboon tahay in la banneeyo wadooyinka suuqa si loo badbaadiyo marka dhibaatooyinka dambku yimaadaan.
 
Duqa caasimada Hargeysa, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta dawlada hoose ee magaalada Hargeysa, waxa uu mahadnaq ballaadhan iyo amaan u jeediyay ciidanka dab-damiska.
 
waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa ciidanka dab-damiska oo xalay 2:00 am badbaadiyay laba maqsin oo ka mid ah suuqa Waaheen oo si kadis ah dab qabsadey, labadaas meheradood oo lagu qiyaasay hantida taalay $3000”. runtii dadku inay ganacsadaan way wanaagsan tahay laakiinse waddo ku ganacsigeeda iyo xanibaada oo halkii hantideena oo dhami taalo ay baa ba’do suurtagal maaha, waxaan lee yahay waa in labaneeyo wadooyinka laga galayo suuqa Waaheen dadka degana ay ka guuraan suurtagalna noqonmayso in hantidan oo dhan isku wada dul gubato”.
 
 
Duqa caasimaddu,  waxa   kale oo uu ka hadlay agab ay soo iibsatay dowlada hoose ee Hargeysa oo kor loogu qaadayo bilicda caasimada  waxaanu yidhi  “Waxay qayb ka tahay dowlada hoose ee Hargeysa oo agab ay diratay oo ay ka mid ahaayeen ishaarooyinkii iyo caagadaha suuqa la dhigayay qaybtoodii hore ayaa maanta timid, qaybta labaad ee ishaarooyinka ku shaqeynaya cadceeda (Solar system) waxay imanayaan bishan 25-keeda.”
 
 
Waxa  kale oo uu intaa ku daray “Maanta (shalay) qalabka inoo yimid waa 500 oo caagadood oo loogu talo galay in lagu guro xashiishka, had iyo jeer wadooyinkeena waxa yaalla caagado oo qaf markuu biyaha cabo caagada iska tuuro, hada wixii ka dambeeya waa in lagu ridaa caagada loo sameeyay in lagu rido, cidii ku ridi wayda waa la ganaaxi doonaa. Caagadahan oo ladhigi doona wadooyinka waxa illaalinteeda ka mas’uula meheradaha ay horyalaan” ayuu yidhi maayarka Hargaysa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply