Wefti Ka Socda Imaaraadka Oo Dalka U Yimid Dhamaystirka Mashruuca XUMBO-WEYNE.

0
389

Hargaysa(Dawan):Wefti balaadhan oo ka socda dalala isku taga Imaaraadka Carabta, ayaa  shalay  socdaal ku yimid caasimadda dalka ee Hargaysa.kaasi oo ay u jeedadoodu tahay sidii ay u dhamaysiri lahaayeen mashruuca biyo-soor saarka ee Xunbo-weyne.
Weftigaasi  oo uu hoggaaminayo madaxa Hay’addaasi  Khaliifa Foundation u qaabilsan Mashaariicda bani-aadamimada ee dalalka Afrika  ama kuwa  Saxaraha ka hooseeya, Sheekh Falaax Al-axbaabi abu Suldaan, ayaa waxa caasimada Hargeysa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka mid ah xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo uu ka mid yahay wasiirka Khayraadka biyaha  Md. Xuseen Axmed Cabdulle.
 
Wasiirka biyaha  oo halkaasi ka hadlay ayaa   faahfaahiyey ujeeddada safarka ay dalka ku yimaaddeen Weftigan  ka socda dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay inay u socdaan sidii loo furi lahaa mashruuca biyaha ee XUMBO-WEYNE, kaasi oo loogu talo-galay inuu waraabiyo shacabka caasimadda Hargeysa ee bariga, Koonfurta iyo waqooyiga caasimadda, kuwaasi oo aan hore u heli jirin biyo.
 
Waxaanu   yidhi “Weftigani  waxay u socdaan  mashruucii aynu mudadda badan  sugaynay ee waxoogaa fadhiidka noqday oo aanu doonayno maalinta Axda ee todobaadkan  in la dhagax dhigo. Waxaan shacabka reer Hargeysa ugu bushaareynayaa in mashruucii aad inta badan lahaydeen maxaa ku dhacay (XUMBO-WEYE) inay howlihii u soo dhamaadeen, kana soo dhamaadeen wixii hay’adda Imaaraadka ee (Khaliifa Foundation) ku xidhnaa, xagayagana diyaar ayaanu ka dhignay”.
 
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku   in ka wasaarad ahaan daraasad ay ku sameeyeen ceelasha biyo soo saarka ee Xumbo-weyne  ay ku ogaadeen cadadka biyaha ee ku jra.
Waxaanu yidhi  “Ceelashii biyaha oo aanu ogaanay Cadadka ku jira, waxaanuna sugeynaa wixii maanta ka danbeeya sidii biyuhu u bilaabmi lahaayeen”.
 
Dhinaca kale Madaxa Hay’adda Khaliifa Foundation u qaabilsan Mashaariicda bani-aadamimada Sheekh Falaax Al-axbaabi abu Suldaan oo hogaaminaya weftiga ka socda  Imaaraadka  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaaddo dalka Somaliland.
Waxaanu  tilmaamay in mashruuca biyaha ee Xumbo-Weyne uu yahay deeq ay dadka Somaliland ugu tallo-galeen boqorka dalka Imaaraadka iyo labadii hoggaamiye ee dalkaasi uga horeeyey, sidaas  daraadeedna ay Hargeysa u yimaaddeen sidii loo dhamaystiri lahaa mashruuca biyo soo saarka ee Xumbo-weyne.
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply