Shirkadda Isgaadhsiinta Ee 4G Oo Isu Diyaarinaysa Inay Noqoto Shirkadda Ugu Balaadhan Isgaadhsiinta Caalamka Dhamaadka Sannadkan

0
395

Shirkadda lagu magcaabo Fourth-Generation oo ah shirkad dhinaca isgaadhsiinta ah ayaa ku dhawaaqday inay doonayso isbalaadhin inay ka samayso dhinacyadda isgaadhsiinta ,iyada oo intaasi ku dartay inay doonayso inay noqoto shirkadda isgaadhsiineed ee ugu balaadhan caalamka.
Waxay sheegtay inay doonayso inay hanato afar meelood saddex meelood caalamka bulshadda ku nool dhamaadka sannadkan,taas oo wadanka Chine ka dhigaysa wadanka ugu balaadhan suuqyadda Isgaadhsiinta caalamka iyo isticmaalka Technology-ga.
Sidaasna waxa lagu daabacay barta internet-ka ee lagu magcaabo GSM er oo laga lee yahay wadanka Maraykanka.
Shirkadan oo rakibaysa 800 oo operators dhinaca isgaadhsiinta ah ,gaar ahaana mobiles-ka ayaa sheegtay inay doonayso kuna dedaalayso sidii ay dad weynaha caalamka 35% ay u hanan lahayd sannadkani marka uu dhamaado,marka loo eego sannadkii dhamaaday oo ay heshay 27% dadka caalamka.
Shirkaddan ayaa lagu tilmaamaa shirkaddaha sida dhakhsaha leh u kobcaaya, iyada oo kor u kacday caana noqotay markii ugu horeysay sannadkii 2009-kii bishii December, iyada oo kor u soo kacday waqtigaasi 7%,halkay soo gaadhey sannadkii ina dhaafay ee 2014 dhamaadkiisii 27%.
Shirkaddan ayaa sheegtay inay doonayso inay sannad walba 12% kor u kacdo,sidoo kalena ay sannadka 2020 ka dhigto kor u kaceeda 20%.
 

Leave a Reply