‘Mucaaridku Haddii ay Doorasho Hammuun u Qabaan Ha Soo Jeediyaan In Diiwaan-gelin la’aan Lagu galo”

0
365

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ee uu ku sheegayay in la kala diro golaha wakiiladda iyo xukuumadda haddii ay doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan.
Baashe Maxamed Faarax oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dastuurka dalka u yaalla ay ku qoran tahay asbaabaha lagu kala diri karo golaha wakiiladda, waxaana uu tilmaamay in aanay jirin cid kala diri karta xukuumadda tallada dalka haysa, waxaanu u soo jeediyay xisbiyadda mucaaradka ah in ay u hogaansamaan dastuurka dalka u yaalla.
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilladda oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiyadda mucaaridka ahi  ayaamahan waxa aan ka maqlayay golaha wakiiladda iyo xukuumadda hala kala diro, golaha wakiillada kala diristiisu dastuurka ayay ku qoran tahay, waxaana uu sheegayaa dastuurka Somaliland sababaha lagu kala diri karo golaha wakiiladda, qodobka 56 faqradiisa 7aad, waxa ay leedahay ma banaana kala dirida golaha wakiiladda sanadka u horeeya ee golaha wakiilada iyo sanadka ugu danbeeya ee xilka Madaxweynaha, Markaa  golaha wakiillada cid kala diri kartaa ma jirto dastuurka ayaanna la raacayaa.”
 
Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay in golaha wakiillada uu bedali karo uun gole la soo doortay, waxaana uu yidhi “Dastuurku waxa uu odhanayaa golaha wakiilada waxa bedali kara gole la soo doortay, waxaanay ku xidhan tahay gudida doorashooyinka inay iclaamiyaan wakhtiga doorashadu dhacayso haddii doorasho la qaban waayo goluhu wuu fadhiyayaa oo wuxuu ku fadhiyayaa dastuurka oo waxa mudada u kordhin doono golaha guurtida, haddii Komishanku doorashada qaban waayo waxa la marayaa shuruucda dalka ninkii isagu xoog ku kala diraya xukuumadda iyo golaha wakiilada ee ciidan wata ee inqilaab samaynaya isaga ayay jirtaa, gole xukuumadeed oo la kala dirayaana ma jiro, xukuumadu waxa ay fadhiyaysaa illaa inta doorasho la qabanayo.”
Guddoomiy ku xigeenku waxa uu u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka ah in aanay umadda u horseedin fidmo, isla markaana dalku leeyahay dastuur lagu kala baxo, waxaana uu yidhi “Xisbiyadda mucaaridka waxaan kula talin lahaa in aanay umadda u horseedin fidmo dastuurka dalka u yaalana ku dhaqmaan, waxa ina kala hayaa waa dastuurka ee nina nin kama xoog weyna, dastuurka ayaana sheegaya xukuumadda marka xilkeedu dhammaado cida mudada u kordhinaysa , haddii  Komishanku qaban waayo doorashada golaha wakiilada iyo madaxtooyada waxa mudada u kordhin kara golaha guurtida.”
Guddoomiye ku xigeenku waxa kale oo uu u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka haddii ay hamuun u qabaan doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha wakiilada inay cadeeyaan in diiwaan-gelin la’aan  lagu galo doorashooyinka waxaanu yidhi “Haddii xisbiyadda mucaaridku yidhaahdaan aynu iska dayno diiwaan-galinta, bisha Juun-ba waa la qaban karaa doorashooyinka bilaa diiwaan-gelin. Markaana ka timaado xisbiyadda mucaaridka haddii ay sidaa u dag-dagsan yihiin oo ha yidhaahdaan  bilaa diiwaan-galin ha lagu gallo doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada.”
 By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply