Australia oo Adkaynaysa Sharciyada Ajnabiga

0
406

Ra’iisalwasaraha dalka Australia Tony Abbot, ayaa sheegay inay wax ka badalayaan sharciyada socdaalka ee dalkiisa.
Arrinkan ayaa ka danbeeyay kadib markii warbixin laga soo saaray shilkii ka dhacay Desember ee nin Iiraani ah uu weeraray maqaayad ku taal Sydney, halkaas oo laba qof iyo ninkii hubaysnaa ku dhinteen.
Ninka dablayda ahaa ayaa kasoo haajiray Iran, danbiyo horena ku galay Australia. Raiisalwasaaraha ayaa sheegay in ninkaasi aanay ahaynba in isagoo kale loo ogolaado dalka Australia.
Ra’iisal wasaare Tonny Abot, ayaa sheegay in weerarkii maqaayada sababi doonto in la adkeeyo dal ku galka, dhalasha bixinta iyo damaanad ku sii deynta dadka la tuhmo ee dalkaasi.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in in ka badan 10 wicitaan oo ku saabsan ninkaan xagjirka ahaa in ay soo gaadheen xarunta dhexe ee hay’adda ammaanka qaranka, ka hor inta uusan 18 qof ku afduuban maqaayada kafeega.
 
 

Leave a Reply