Qoysas ka Walwalsan Hablahooda oo ku Biiray IS

0
384

Qoysaska seddax Hablood oo arday ahaa oo la rumaysanyahay in ay ka safreen London si ay Daacish ugu biiraan ayaa waxa ay ka dalbadeen gabdhahooda in ay soo noqdaan.
Hablahani waxaa markii ugu dambaysay la arkay horaantii isbuucan iyagoo ka safaraya garoon diyaradeed oo ku yaala London kuna sii jeedo dalka Turkiga.
Saddexda hablood oo dhamaantood wax ku bartay iskuul ku yaala xaafadda Bethnal Green ee bariga London ayaa waxa ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Gatwick waxayna u duuleen Turkiga.
Raisalwasaaraha Britain David Cameroon waxa uu sheegay in dowladda ay sameyn doonto wax kasta oo suurtagal ah si dib loogu soo celiyo gabdhahaasi.
Waxa la rumaysanyahay in da’yar badan oo ka tagay Yurub ay ku biireen kooxdan Daacish oo gacanta ku haysa dhul balaadhan oo Suuriya iyo Ciraaq.
 

Leave a Reply