Turkiga oo Qabri ka Raray Waqooyiga Siiriya

0
394

Ra’iisalwasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa xaqiijiyay in kolonyo badan oo ciidamada Turkiga ah iyo baabuurtooda ay ku guulaysteen inay ka raraan qabrigii Ottoman iyo ciidamadii ilaalinayay waqooyiga Suuriya.
Mr Davutoglu ayaa sheegay in soddon iyo siddeed ciidamada joogay mawlaca in si nabad ah ay Turkiga ugu soo noqdeen.
Meesha uu ku yaalo qabriga Suleyman Shah oo ahaa awoowihii Ottoman Sultan ayay Turkigu  u arkaan dhul madaxbanaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in loo qaaday qabriga meel u dhow xuduuda, halkaasoo laga ilaalin karo dagaalka ka socda Suuriya.
 
Suleyman Shah, oo noolaa ilaa  1178 ilaa 1236, ayaa awow u ahaa  aasaasihii boqortooyadii  Ottoman empire, Osman I.
Maleeshiyada Daacish ayaa kal hore ku hanjabtay wayeelaynta qabrigaasi.
 
 

Leave a Reply