Debbie Stephens: “ Kelidaydii Ha Isoo Celiso”

0
371

Gabadh Maraykan ah oo lagu magacaabo Debbie Stepens ayaa ka dalbatay gabadh shirkadda ay ka shaqaynaysay madaxada ka ahayd  oo lagu magacaabo Prussia inay usoo celiso keli ay hore ugu caawisay ka dib markii ay keliyuhu fadhiisteen.  Sida uu daabacay wargeyska Newyork Post ee Maraykanka gabadha Debbie Stephens oo da’deedu tahay 47 sano ayaa u gudbisay dacwadeeda gudida xuquuqda dadka ee Newyork.  Debbie ayaa gudida u sheegtay in dhaqanka gabadha madaxda u ah ee Prussia uu dhaqankeedu si weyn u isu bedelay tan iyo intii la geliyay kelidayda.  Waxay ahayd gabadh debecsan haddana waxay noqotay mid aan naxariis lahayn oo shar badan” Waxaan filayay  inaan shaqadan dhamaysan doono tan iyo inta aan noqonayo hawlgabka laakiin may dhicin sidaas darteed ha iisoo celiso kelidayda, mar haddii aanan noloshayda ku badbaadinayn”.
 
 

Leave a Reply