Obama iyo Netanyahu oo Isku khilaafay Iiran

0
363

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in uu jiro khilaaf muuqda oo dowladdiisa  iyo u  dhexeeya Israa’iil, kaas oo ku aaddan qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagayo in Iran ay hesho hubka nuclear-ka.
Obama oo hadlay ka hor khudbadda uu Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, u jeedinayay  aqalka Congress-ka, ayaa intaa ku daray in aanu rumeysneyn in khilaafka uu si joogta ah u waxyeeleyn doono xidhiidhka labada dal.
Mr Natenyahu ayaa Waxa uu aad uga baqayaa in Iiraan loo ogolaado inay noqoto dal nukliyer haysta oo barnaamijkeeda ay sii wado.
Laakiin Mr Obama ayaa sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay ka walaacdo in Iiraan ay Nukliyerka sameysato.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in booqashada Benjamin Netanyahu ee Mareykanka lagu soo beegay xilli aan munaasab ahayn.
Mr Obama ayaa doonaya in mudo 10 sano ah la xayiro barnaamijka nuclear-ka Iran, halka Israa’iil ay rumeysan tahay in sii jiritaanka warshadaha nuclear-ka ee Iran ay khatarteeda leedahay.
 
 

Leave a Reply