Agaasimaha Xarunta Dhaqan Celinta Carruurta Ee Xaafadda Maxamed Mooge Oo Ka Warantay Tiradda Carruurta Ay Dhaqan-celinta U Sameeyeen

0
500

Hargaysa (Dawan):  Agaasimaha xarunta  Daryeelka iyo dhaqan-celinta carruurta ee  Xaafadda Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa marwo Fadxiya Saleebaan Xaaji ayaa  sheegtay inay wax badan ka qabteen daryeelka iyo dhaqan celinta carruurta mudadda ay masuulka ka ahayd xaruntaasi.
 
Waxaanay sheegtay in   carruur ay tiradoodu gaadhayso ilaa 31 carruur  ah in  ay dib ugu celiyeen qoysas koodii, ka dib markii ay dhaqan celin u sameeyeen. Kuwaasi oo hada  ku jira xaruntaasi.
 
marwo Fadxiya Saleebaan Xaaji, oo shalay u warantay warbaahinta qaranka, waxa kale oo ay ka hadashay  waxyaabihii u qabsoomay sannadkii ay xilka haysay. Iyadoo arrimahaasi faahfaahin ka bixinaysayna waxay tidhi “Waxaan xaruntan madax ka ahaa mudo sannad ah, intii aan joogay waxa noo qabsoomay waxyaabo badan oo la taaban karao tirada caruurtan xarunta ku jirtaa waxay ahayd  150 carruur ah, waxaanu dhaqan eli u samaynay oo aanu waalidiintood ku celinay 31 carruur ah, imikana waxa ku jira 120 oo aanu ku barbaarino diinta islaamka si aanay bulshadooda uga hadhin.”
 
Wax kale oo ay Farxiya Saleebaan sheegtay in xaruntu markii ugu horaysay ay heshay dhakhaatiir caafimaad,isla markaana xaruntaasi la aasaasay sanadkii 2009, halka sanadkii 2011 kiina lagu soo xereeyay carrurtii darbi-jiif ee u horaysa, iyadoo dhismaha xaruntaasina ay iska kaashadeen dawladda Somaliland qaar ka mid ah ganacsatadda dalka sida Dahabshiil iyo Telesom.
“Xaruntani markii hore may lahayn dhakhtar laakiin imika ayaanu ku soo kordhinay waana illaahay mahadii. Waxa kale oo aanu ku soo kordhinay laba macalin oo carruurtaas wax bara.  “Daryeelka iyo dhaqan celinta carruurta waxa la asaasay sannadkii 2009kii , dhismeheedana waxa la dhamays tiray sannadkii 2011kii oo ahayd xiligii carruurta lagu soo xareeyay. Dhismaha xaruntan waxa iska kaashaday dawlada uu hogaamiyo madaxweynaha jamhuuriyadda Somliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ganacsatada waawayn ee wadankeena oo ay ka mid yihiin shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom” ayay tidhi agaasimaha xarunta agoomaha ee xaafadda Maxamed Mooge.
 
 
Waxa kale oo ay sheegtay in xukumadu dedaal badan u gashay sidii wax loogu qaban lahaa carruurtaas dayacan, waxaanay sharaxaad ka bixisay sababaha ugu badan ee keena inay carruurtu dayacmaan.
 
 
iyadoo arrintaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Xukumadani waa tii ugu horaysay ee wax qabadkeeda ku darta carruurta ku dayacan magaalooyinka ay u sameeyaan xarun lagu xannaaneeyo, laguna dhaqan celiyo. Taas oo ah wax Alle loogu mahad naqo waana waxa taariikhdu xusi doonto. Carruurtaasi waxay u badan yihiin qaar agoomo ah oo markii ay aabhihii waayeen druuftu ay ku kaliftay inay hooyadood suuqa fadhiisato oo ay u doonto wixii ay ku noolaan lahaayeen. Marka uu ilmihii waayo waalidkii waxa dhacda in uu suuqa iska galo oo uu waxbarashadii ka hadho  ka dibna uu baalash qaato uu barto balwado ay xabagtu ka mid tahay.”
 
 
Ugu danbayntii Farxiya Saleebaan,  waxay baaq u jeedisay guud ahaan ganacsatada Somliland, Xaruntan oo ah mid ay dawladu gacanta ku ahayso ayaa loo baahan yahay in dadka ganacsatada ahina ay caawimo ka gaystaan si wax loogu qabto ubadkaas yar-yar ee taageerada u baahan.
Waxaanay  tidhi “Waxaan baaq codsi ah u dirayaa guud ahaan ganacsatada reer Somaliland, waxa aan leeyahay xaruntan carruurta ku jirtaa waa ubadkeenii, waa mustaqbalkii dalkeena markaa waxaan leeyahay u soo jeesta sidii aad gacan uga gaysan lahaydeen taageerada ubadkaas.”
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply