"Reer Somaliland waxa aan runtii ku niyad samaysiinayaa in aanay wax werwer ah ka qabin masiirka iyo mustaqbalka maamulka hawadooda”

0
405

Hargeysa (Dawan):  Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka mid ahaa xubnihii Somaliland ugu qayb gali lahaa wadahadaladii fashilmay ee Turkiga ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay arrimo la xidhiidha  wadahadaladaasi burburay gaar ahaan qaybtii dhinaca Hawadda oo isaga iyo xubno kale oo  guddi farsamo ahi ay halkaasi u tegeen.
 
 
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa u  sheegay inay aany suuro gal ahayn in hawahalada alayska sii wado iyada oo ay Soomaaliya diidan tahay in la dhaqan galiyo qodobkii hore looga heshiiyey ee maamulka hawadda,isla markaana laga gudbo caqabadaha ay waddo dawladda Xamar.
Wasiirka Duulistu, waxa u sidaasi ku sheegay qoraal dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo u xalay ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook.
 
Waxaanu ku bilaabay sidan:  “EEBBE mahadii galabta ayaanu ku soo guryo noqonay gayigeenii hooyo, ka dib markii aanu  u tagnay dalka Turkiga inaanu  kaga qayb galno shirkii wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan aniga oo aan ka mid ahayn xubnihii guddidaas ee wadahalada hase yeeshee aniga iyo xubno ila socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka hawlaha guud Mudane Cabdirisaaq Khaliif  iyo khuburo kale, in arrimaha hawada si farsamo ah loo galo iyagana dhinacooda ay ka yimaadaan.
 
Shirkii aniga iyo masuuliyiin kale aanu u tagnay wuxuu noqday mid madhalays ah, markii uu hana qaadi kari waayey ee uu qabsoomi kari waayey shirkii guud ee aas-aaska u ahaa ama uu ka farcamayey shirka arrinta maamulka hawada, shirkaas oo ay cadahay ujeedeeoyinka laysku khilaafay Gudoomiyaha waftiguna uu si fiican u faahfaahiyey, anigana aan sharax iiga baahnayeyn, arrinta hawada  iyo kulamadii na dhex maray Hay’ada ICAO  iyaga ku noqon maayo oo waxaan filayaa in aanu warbaahinta si fiican ugu soo gudbinay, shacbiga Somaliland ay maanta ka dharagsan yihiin, waxa aan runtii ku niyad samaysiinayaa in aanay wax werwer ah ka qabin masiirka iyo mustaqbalka  maamulka hawadooda.
 
Waxaan halkan anigoo munaasibadan ugu faa’iidaysanaya  si weyn aan ugu  mahad celinayaa shacbi weynaha reer Somaliland madaxda golayaasha, Xildhibaanada, Salaadiinta iyo Bulsho weynta si weyn noogu soo dhaweeyey Madaarka caalamiga ah ee Cigaal iyo guud ahaan caasimada Hargeysa wadooyinkeedana buuxiyey taasi waxay markhaati ka tahay sida shacbigani uu u ilaashanayo mastaqbalkiisa, Qaranimadiisa iyo Qoomiyadiisa. ciyaar laguma keenin qaranimada waxa loo soo maray kifaax iyo halgan dheer maanta waa mid guun ah, oo aan maanta ahayn  mid la gardaadinayo, baalkna ka jartay dhawr iyo labaatan sanadood,  oo ilmihii ku dhashay aanu maanta aqoon wax aan Somaliland ahayn, Qaraimadaas maanta aan anigu raga Ceelalyadeeda ku jira ka mid ahay, ee wadahadaladeeda iyo baadi doonkeeda aanu wadno, aniga oo maanta Konton jir ah waxaan ku garaad-saday oo aan soo gaadhay xili dhawr iyo sideetanadii xili uu socodo dil, dhac, cunfi iyo wixii shacbiga reer Somaliland ku dhacay, intaas ay Somaliland jiray ayaan Qaranimo ka arkay aniga oo maanta ninkaas weyn ee gaboobay ah, waxay ay markaas taasi muujinaysaa inta iga yar oo dhami waxay ka garan karaan Soomaali weyn in aanay jirin, iyo in la kala baaday.”
 
“Dhinaca kale  waxay Ragii naga waaweynaa ka sheekeeyeen in midnimadii fashilantay ee Dhawr iyo Lixdankii in Umadda reer Somaliland ay aftidii Dastuurka diiday, waxa kale oo iyaduna meesha taala oo markhaati ma doon ah in dawladnimada ay walaaladayo Soomaaliya dhisteen ma nihin dad fadaraalkaas kula jira. waayo anagu ma nihin dadkii saxeexay Road map-kii dawladaas lagu dhisay, ee wax la qabsaday, Al muslimuuna calaa shuruudihim, mawaaqiftaasna anagu qayb kama nihin. Markaas anagu waxaanu nahay dal madax banaan, oo jira sharciyan Somaliland waa xaqiiqo jirta nin neceb iyo nin jecelba waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidaas darteed hadii ay tahay badeeda iyo hadii ay tahay cirkeeda iyo hadii ay tahay badkeeda mid walba waa mid aanay cidna ugu tanaasulaynin, ma aha nacayb aanu walaaladadyo u qabno , ma aha xumaan aanu walaaladayo u ogol nahay.
 
Soomaalinimada ayaanu ogol nahay, Umadda Soomaaliyeeda waa Qoomiyad ee Qaran ma aha maanta!, Qoomiyad Soomaaliyeed oo balaadhan ayaanu ogol nahay waxay baxdo, oo kuwa Kiiniya degan, kuwa Jabuuti degan, kuwa Itoobiya degan ay ka mid yihiin, qoomiyadda Soomaaliyeedna in kor loo qaado, wanaagna la dhex dhigo ayaanu aaamina sanahay, waxaanu nahay dad Qaangaadh ah, bisil aragdhi dheer leh, waxaas oo dhan ayaanu jecelahay, walaaladayana waanu leenahay, waa inay ku xisaab tamaan miisanka wadahadalada si sax ah, iyo sidii aanu isku fahanay oo hore ay ugu soo noqdaan, calooshooda  iyo niyadoodana ay u sii daayaan Somaliland waxa ay tahay.”
 
Waxaanu intaasi ku daray oo uu ku yidhi qoraalkiisa “walaaladayo waxaanu isku haysanayaa oo aanu isla dhaafi kari waynay  oo murankeedu taagan yahay maamul hawo, hadii Soomaaliyi Maamul hawo ku heshiin wayday qarankii burburay hawadiisii oo maanta laba dal ah, hadii lagu heshiin waayey waxa is waydiintu tahay maxaa lagu heshiin karaa?? Waxaan leeyahay walaaladayo hadii ay noo quudhi waayeen heshiiskiii aanu shalay wada galnay inay fuliyaan oo ay ixtimaaraan, oo ay diideen in guddida madaxa abaan ay hawada Hargeysa ka maamulaan , oo FIR-ka (Flight Information Region) halkan la dhigo, waxa is weydiin mudan ninka intaad diiday waxa uu noogu yeedhayo, iyo Soomaalinimada waxa uu ku rabo, taasina waxay runtii quus goyn u tahay kuwa ka soo jeeda Isir ahaan Somaliland ee tirada yare ee maanta ku ag warwareegaya Fadaralka iyo waxaas.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply