Soonka Maalin Dhaafka Ahi Wuxuu Dheereeyaa Cimriga

0
483

Daraasad cusub oo dhowaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in lagu ogaadey  soonka la soomo maalmo kala gaar gaar ah waqtiga ana lagu jirin bisha ramadaan inuu dheereeyo cimriga.
Daraasadan ayaa sidoo kalena tilmaantay in soonkaasi keeno caafimaad badan oo dadku ay ka helaan markay soomaan maalmahaasi kala gaar gaarka ah ,kaas oo meesha ka saara xanuuno badan oo dadka ku dhaca.
Michael Guo oo ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay in soonku noqday waxyaalaha ugu caafimaadka badan ,kaas oo siyaadiya ama kordhiya dheecaanada Longevity-ga kuwaas oo ka hortaga xanuuno badan,sida uu ku sheegay warbixin uu ku qoray wakaalada lagu magcaabo The Middle East News(ASHA).
Dheecankan ayaa leh waxyaalo ay ku jiraan Proteins badan oo loo yaqaano Sertuan,taas oo keenta inay dheeraadaan sii noolanshaha unugyadda jidhka,gaar ahaana kuwa meesha ka baxa marka uu qofku gaboobo.
Waxa kale oo uu sheegay in soonka maalmaha kala duwan la soonaa inuu keeno Insulin-ta oo yaraata,taas oo waxyaalo badan ka hortagta,waxa kale oo uu sheegay in aanu qofku macana yeelan haddii uu soomo,taasna waxa sabab u ah insulin-taas yaraatay.
Dadka lagu tijaabada laga qaaday ayaa gaadhaayey 24 mutadawac,kuwaas oo soomanaa muddo toddobaad ah ,waxaanay sheegeen inay cuntadii si fiican u qaateen markii uu toddobaadkaasi dhamaaday,waxaanay sheegeen in 25% ay fiicnaatay habkoodii cunto,sidoo kalena waxay intaas ku dareen in ay jidh ahaan ka heleen Vitamins badan ,gaar ahaana Vitamin C iyo E.
Kooxdan cilmibaadheyaasha ah ayaa tilmaamay inay Soonkaasika heleen caafimaad ,sidoo kalena uu ahaa mid aad u fiican una fudud.

Leave a Reply