Xisbiyadda Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID Oo Isku Dhiibay Koox Sharci Darro ah Oo Kaalintoodii Af-duubtay

0
396

Hargeysa (DAWAN)- Labada Xisbi mucaarid ee WADDANI Iyo UCID, ayaa isu dhiibay kooxda sharci darrada ah ee la baxday Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, kuwaasi oo inqilaabay isla markaana si taban ugu gabood-falay karaamadii iyo Kaalintii  xisbiyadda mucaaridka ah oo ah Ha’yado sharci ah oo dastuurku jideeyay dhismahooda.
Kooxda madasha wada-tashiga la baxday ayaa ka saxeexday axsaabta mucaaridka ah inay dafiraan sharciyadda ay xisbiyadda qaranka ku noqdeen, iyagoo xaflad ay kooxdaasi sharci darrada ah shalay ku qabatay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, ay  axsaabta mucaaridka ahi u muuqdeen qaar ku biiray Kooxda siyaasiyiintii miidaanka siyaasadda ku saaqiday.
Waxa labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID ay madaxdoodu qalinka ku duugeen wax loogu yeedhay heshiis ay wada gaadheen madasha iyo axsaabta mucaaridka ahi, waxaanay sheegeen in haddii doorashooyinku dalka ka qabsoomi waayaan 26-ka Bisha June ee fooda innagu soo haysa, ay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladuba aanay noqonaynin kuwo sharci ah, waxaanay u badheedheen inay indhaha ka qarsadaan sharciga dalka u yaalla oo si cad u bayaamiyay in haddii doorashooyinku qabsoomi waayaan uu Golaha Guurtidu  muddada xileedka u kordhinayo xukuumadda iyo Goleyaasha qaranka, si wadanka looga bad-baadiyo inuu ku dhaco dawlad la’aan.
Waxase nasiib darro ah in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ah ninkii eelka  dib u dhaca doorashadda kaalinta weyn ku leh, oo ku doodaya in Golihiisu yahay mid sharci darro ah.
 
Waxaanu akhristeyaashayada sharafta leh halkan ugu soo gudbinaynaa qodobbada qoraal ay madasha iyo labada xisbi mucaarid ay qalinka ku kala duugteen oo ay ugu gogol xaadhayaan inay ku handadaan dawladnimadda iyo sharciyadda dalka u yaalla, isku daygoodaasi oo ku dhammaan doonta guul-darro iyo natiijo la’aan. Haddaba qoraalkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-
 
 
 
 
Qodobada doorashada ku saabsan ee ka soo baxay Madasha iyo Mucaaradka

  • Waxaanu u aragnaa inay waajib tahay in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigoodii ahaa 26-06-2015.
  • Waxaanu caddaynaynaa inaanay Xukuumaddu wax cudur daar ah u hayn dib u dhac kasta oo doorashada ku yimaada, dalkana kama jiraan duruufaha Sharcigu sheegay, sida nabad-galyo darro,Cudur, Aafo, Dhul gariir iyo wixii la mid ah Illaahay inaguma keenee.
  • Waxaanu Komishanka doorashada u soo jeedinaynaa inay si dhakhso ah u soo saaraan jidwalka doorashada oo wakhtiyaysan(Road map).
  • Waxaanu caddaynaynaa in haddii doorashooyinka lagu qaban waayo wakhtiga aanu kor ku soo xusnay aanan Aqoonsan doonin Xukuumadda Siilaanyo iyo Golaha wakiiladaba, wixii 26-06-2015 ka dambeeyana aanay ku joogi doonin Sharci.
  • Waxaanu soo jeedinaynaa in la kala diro labada gole ee Xukuumadda iyo Wakiilada maadaama ay gabeen xilkii saarnaa, islamarkaana hor istaageen dariiqii Dimuqraadiyadda iyo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.
  • Sidoo kale waxaanu uga digaynaa Golaha guurtidu inuu sameeyo xad-gudub sharci iyo Muddo kordhin ku timaada xil gudasho la’aanta Xukuumadda, iyagoo haba yaraatee dalka aanay ka jirin duruufihii dastuurku sheegay, haddii arrintaas la sameeyana waxaa ka dhalan doona Qas iyo dib u dhac.

 

  • Annagoo ka duulayna heshiisyadii labada Xisbi Mucaarad iyo Madashu hore u wada galeen waxaanu guddi u saarnay ka soo tallo bixinta Wixii laga yeeli lahaa 26-ka June haddii doorasho qabsoomi waydo.”

Xukuumadda Oo Jawaab Ka Bixisay Dhawaaqyo Sharci-darro ah oo ka soo Yeedhay Mucaaridka
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply