Guddoomiyaha Cusub Ee Ha’yadda Shaqaalaha oo Xilkii La Wareegay

0
467

Hargaysa (Dawan):-Guddoomiyihii hore ee Hay’adda shaqaalaha  Dawladda  Somaliland Nuux Sheekh Muuse  Ducaale,ayaa shalay si rasmi xilkii ugu wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Maxamed Mixile Boqore.
Munaasibad ay ka soo qayb galeen Wasiiro, xildhibaanno, masuuliyiinta kala dawan ee Ha’adda Shaqaalaha Dawladda iyo marti sharaf  kale ayaa shalay lagu sagootiyay Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha dawladda laguna so dhaweeyay guddoomiyaha cusub.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dibu Dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, oo munaasibadda xil wareejinta labada masuul kahadlay ayaa sheegayin Guddoomiyihii hore  wax badan qabtay isla  markaana Hay’adda shaqaalaha Dawladda soo gaadhsiiyay halkii ugu wanaagsanayn  waxaanu guddoomiyaha cusubna u soo jeediyay in uu halkaa ka sii wado.waxaanu yidhi
“Halkan waxaan ugu mahad naqayaa guddoomiyihii hore ee haay’adda shaqaalaha mudadii uu xilka hayey waxaanan odhan karaa halkii ugu wanaagsanayd ayuu gaadhsiiyey hay’adda shaqaalah, guddoomiyahan cusubna waan soo dhawaynayaa xilkuna sidiisaba waa meerto maalinba nin ayaa ka taga, aniguba waxaan ka mid ahaa ragii ladhaqaajiyey ee dhulka kale loo badalay inkasta oon aniga lay eryin hadana meel kale ayaa laygeeyey”.
Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa  ugu horrayn caddeeyay in uu Madaxwaynaha uga mahad naqayo magacaabistiisii iyo  xil ka qaadistiisa isla markaana balan qaaday in uu la shaqaynayo Madaxweynaha  waxaanumeesha ka saaray in uu ka tegayo xisbiga KULMIYE oo uu ka mid yahay, waxaanu yidhi  “Waxaan u mahad naqayaa Madaxwayne siilaanyo oo shalayna ii magacaabay maantana xilka iga qaaday, saxaafaduna inta badan qofka shaqada laga eryo halkaad tegaysaa ayey yidhaahdaan, waxaan leeyahay halkaygan ayaan joogayaa meel aan tegayo ma jirto Madaxwaynaha ayuunbaan la shaqayn doonaa aniga oo dibada iska jooga, markii la ii  magacaabay shaqaalaha dawladda tiradoodu waxa ay dhamayd lix kun maanta waxa ay dhanyihiin shan iyo toban kun”.
Waxaanu intaa  ku daray  Guddoomiyihii hore ee shaqaalaha dawladu isagoo hadalkiisa sii wata..
”Shaqaalaha dawladu waa shaqaale shaqada ay hayaan adagtahay duruufahoodana leh  ku samray, xukuumadan uu hoggaaminayo Madaxwayne Siilaanyo boqolkiiba boqol (100%) lacagtii shaqaalaha way kordhiyeen”.
Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa isaguna u mahad naqay  Guddoomiyaha xilka wareejinaya oo uu ku ammaanay kaalinta muuqata ee uu shaqaalaha kor ugu soo qaaday, guddoomiyaha cusubna waxa uu u rajeeyay inuu halkaa ka sii wado hawsha loo dhiibayna u dhabar  adaygo.
Gaba-gabadii guddoomiyaha cusub ee hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Maxamed Mixiile Boqore ayaa isna sheegay inuu ku shaqayn doono cadaalad iyo sinnaan  ballan qaadayna in qof kastaa  aqoontiisa shaqo ku helidoono.
“Hay’adda shaqaalahu maaha sida la moodayo Wasaarado badan ayey ka shaqo badan tahay, wixii Nuux haystay markaan arkayey markaan eego shaqo la’aanta dalka taala iyo kuwa shaqo doonka ah, markaan eego hab dhaqankeenan imika ee beel waliba doonayso in qof loo shaqaalaysiiyo markaan isku wada geeyo waa hay’ad culus oo dad badan oo aad saaxiibbo ahaydeen isku nacaysaan, anigu laba walaal ayaan leeyahay oo cid waliba taqaano waxaana weeyi mid waa daacadda midna waa cadaaladda waa labada dadkuna ugu neceb yahay sharciga”.ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Maxamed Mixile Boqore
By:Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply