Shiinaha oo Itoobiya Ka Dhisaya Wershada Dharka oo Ku Kacaysa 15 Million USD

0
405

Addis Ababa March 05/2015: Kombaniga laga leeyahay dalka Shiinaha ee Shaoxing Mina ayaa sheegay in uu Deegaanka Sebata oo Gobolka Oromia ee dalka Itoobiya ka dhisayo wershad samaysa dharka oo qiimaha ku kacayaa gaadhayo ilaa 15 Million oo Doolarka Maraykanka ah.
Madaxa fulinta ee Kombanigan Wei Chang Jun oo booqasho ku jooga Dalka itoobiya ayaa sheegay in wershadan oo ah mid midabaynaysa dharka ay baaxad weyn tahay kuna lagana rakibi doono shan KM oo dhul ah,  laguna talo jiro in lagu rakibo muddo bilo gudahood ah. wershadan oo loogu talo galay in wax soo saarkeeda lagaga maarmo 95% dharkii ay Itoobiya kala soo degi jirtay Wadamada talyaaniga iyo K/Kuuriya.
Madaxweynaha Dalka itoobiya Mulatu Teshome oo khamiistii shalay xafiiskiisa Magaalada addis-ababa ku qaabilay madaxa Kombaniga shiinaha ah Wei Chang Jun ayaa dhankiisa waxa uu ku wargeliyey in Itoobiya si weyn u soo dhoweynayso maalgashiga shisheeyaha gaar ahaan ka dhanka wershadaha, wadankiisuna koobsaday cimilo wanaagsan, shaqaale jaban, suuq baayacmushtar isla markaana juquraafi ahaan ku yaalo marin istiraatiiji ah.
Wershadan dharka ee Shiinuhu ka dhisayaan Dalka itoobiya waxay shaqo u abuuri doontaa dad gaadhaya ilaa 5000 oo ruux, iyadoo wax soo saarkeedana loo dhoofin doono dalal ay ka mid yihiin Midowga Yurub, USA, Thailand, Turkey iyo dalal badan oo ka tirsan Qaaradda afrika.
 


 


 

Leave a Reply