Hargaysa (Dawan): Wefti wasiirro ah oo ka socday xukuumadda Somaliland ayaa shalay kicitimeen dhinaca dalka Kenya gaar ahaan magaaladda Nairobi, halkaasi oo ay kaga qayb gali doonaan shir lagaga hadlayo horumarinta Somaliland, sida ay u sheegeen warbaahinta gudaha.
Wasiiradan ka socday xukuumadda ee u baxay Kenya ayaa qaarkood waxay dalka ka baxeen shalay halka kuwo kalena ay hore u sii joogeen Nairobi, waxaana wasiiradaasi ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hore u sii baxay iyo weftiga maanta baxay oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shir, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Deegaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil. Weftigan ayaa la shegay in mudadda ay ku sugan yihiin magaaladda Nairobi in ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan wadamada Qaadhaan bixiyeyaasha ah ee dhinaca horumarka Somaliland ka taageera. Sidoo kale weftigu inta ay Nairobi ku sugan yihiin ayaa la filayaa in ay kulamo la yeelan doonaan hay’addaha ka shaqeeya arrimaha horumarinta.
Dawannews Hargeysa office