Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Wakiiladda Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay

0
415

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa qaranka Somaliland katacsiyeeyay Geerida  Marxuum xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo kamid ahaa munayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland oo xalay ku geeriyooday   cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Maxadweynaha Somaliland ayaa  tacsi u diray guud  ahaan shacabka Somaliland, golayaasha Qaranka wakiiladaiyoguurtida qoyska  qaraabada,asxaabta kana tacsiyeeyay geerida marxuum Xildhibaan  Xariir  Siciid Bullaale,waxaanu  marxuumka  IILLAAHAY  uga baryay in uu jannooyinkiisa macaan ugu deeqo .
War-saxaafadeed ka  soo baxayxalay Qasriga Madaxtooyada oo lagu soo saaray Tacsida Madaxwaynuhu  dirayo,ayaa u dhignayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada oo ku geeriyooday Hargeysa  maanta, 08/03/2015. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada, iyo guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply