Wasiir Ku xigeenada Cusub Ee Daakhiliga Oo Xilalkii la Wareegay

0
413

Hargeysa  (Dawan) – Wasiirka Wasaarada arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay xilkii u kala wareejiyay  Wasiir ku-xigeennadii hore iyo kuwa cusub ee Wasaarada arrimaha guddaha oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.
Munaasibad lagu qabtay xarunta Wasaarada arrimaha guddaha, waxa ka soo qayb galay Wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Warancadde, xubno ka mid ah Guddoomiyeyaasha gobolada ,Maayarka Caasimada Hargeysa, shaqaalaha Wasaaradaasi iyo marti sharaf kale.
Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Warancadde oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay masuuliyiintan cusub, waxaanu sharaxay masuuliyada ay qaranka u hayso Wasaaradu, waxaanu yidhi  “Labada Wasiir xigeenba aad baan u soo dhaweynayaa, waxaan leeyahay ku soo dhawaada wasaaradda, Wasaaraddani way ka duwan tahay wasaaraddaha kale, mushkiladda ay leedahay waxa ka mid ah, Wasaaraddaha kale iyo wasiiradooduba saacado go’an oo 8 ah ayaa la shaqeeyaa laakiin, tan 24-ka saacba waa la shaqeeyaa. Madaxdeeda 24 saacba waajib baa saaran, sababtuna waxa weeye Xididadeedu waxay ku xidhan yihiin gobolada dhib iyo nabad-ba. Markaa xanuun kasta oo soo gaadha gobolada goor kasta oo uu soo gaadho inay wasaaraddu ka jawaabto ayay u taagan tahay.
Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga ee Wasaarada arrimaha guddaha Cali Maxamed Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa shaqaalaha Wasaarada ugu baaqay inay la shaqeeyaan masuuliyiintan cusub, waxaanu yidhi “Waxaan ku dardaarayaa hay’addii aanu soo wada shaqaynay in sidii ay noola shaqayn jireen si ka fiicanayd ay ula shaqeeyaan madaxdan cusub iyo Wasiirkaba, waxaanan ILLAAHAY ka baryayaa in xilka cusub ee loo igmaday uu u fududeeyo annagana uu nagu asturo Wasaaradaha naloo bedelay oo idinkuna aad noogu ducaysaan, waxaanan ku dardaarayaa shaqaalaha inay labadan  Wasiir ee cusub ay ula shaqeeyaan sidii annaga ay noola shaqaynayseen iyo weliba si ka wanaagsan. Wasaarada Arrimaha guduhu waa Wasaarad balaadhan oo ay hoos-yimaadaan dhawr iyo sideetan degmo oo kala ah darajooyinka A,B C,D.”
Wasiir ku xigeenka cusub ee xidhiidka gobolada ee Wasaarada arrimaha guddaha Axmed Faarax Cadare ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay xilalka uu u igmaday, waxaanu yidhi  “Waxaanu Madaxweynaha Somaliland uga mahad-naqaynaa inuu noo wakiishay xilkaa uu noo magacaabay, waxaanu idinka codsanaynaa in masuuliyadaa ILLAAHAY noo fududeeyo, waana Wasaarad ballaadhan.”
Wasiir ku xigeenka cusub ee dhinaca amniga ee Wasaarada arrimaha guddaha Cabdi Daahir Camuud oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Mudane Cali Waran-cadde weligii meesha uu joogaa way dhalaashaa ilaa 40 Sannadood baanu is naqaanoo kolba meeshii ugu wanaagsan ayuu taagnaa, waanan ku hambalyaynayaa, waana Nin Nabadgelyo. Mudane Wasiir waxaan kaa codsanayaa nabadgelyadu in ay noqoto ta ugu muhiimsan, waayo dadku haddii aanay nabadgelyo haysan wax alaale iyo wax jirayaa ma jirto.”
Sidoo kale Wasiir ku xigeenkii hore ee xidhiidhka gobolada Wasaarada arrimaha guddaha Cismaan Garaad Soofe oo munaasibadaasi ka hadlay, waxa uu yidhi  “Wasiirro badan, Agaasimayaal iyo Badhasaabo ayaanu soo wada shaqaynay, waxaanan idin leeyahay ku soo dhawaada Wasaarada, dhamaantiina aad baan idiin wada salaamayaa, aniguna Wasaarada cusub ee la ii magacaabay iigu duceeya.”
Dhinaca kale Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha guddaha Cabdisamad Cumar Maal ayaa waramay  masuuliyada ay qaranka u hayso wasaaradoodu, waxaanu yidhi “Mudane Wasiir-ku-xigeenno, wasaaraddu waxay ka kooban tahay 6 Waaxood, 25 qaybood(25 Section),72 Unit, qaab dhismeedka wasaaraddu waa 101 Boos oo badhkoodna laga shaqeeyo qaarna banaan yihiin.wasaaraddu waxay u kala baxdaa laba waaxood, mid waxaa hoos yimaada Booliska, Ciidanka Xeebaha iyo laanta socdaalka, qaybna waa Maamulka degmooyinka.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply